4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 19, 2013
Dowladda Soomaaliya oo Gargaarkii ugu horreeyay Maanta gaarsiinaysa qaar ka mid ah deegaannada Shabeellada Hoose

Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay gargaar cunno ah gaarsiinaysa deegaannadii laga saaray Al-shabaab ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo ammaanka jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye aad loo adkeeyay.

Taliyaha gaaska labaad ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/llaahi Cismaan Cagey ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay ku wargeliysay inay maanta gaarsiinayso gargaar raashin ah dadka ku dhibaateysan deegaannadii Al-shabaab laga saaray ee gobolka Shabeellada Hoose.

“Waxaa nalagu wargeliyay in raashin la gaarsiin doono maanta deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, sida Afgooye, Marko iyo Wanlaweyn, innaguna waxaan adkeynay ammaanka waddooyinka ay marayaan gaadiidka raashinka wada,” ayuu yiri Jen. Cagey.

Gargaarkan oo ah raashin ayaa waxaa loogu talogalay dadka ay dhibaatada nololeed ku hayso deegaannadaas, kuwaasoo aan hay’adaha gargaarka weli ka helin wax gargaar ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay la wareegtay deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya horraantii sannadkii hore waxay sheegaysay inay gaarsiin doono gargaar bani’aadamnimo.

Hay’adaha gargaarka oo horay Al-shabaab ay uga joojisay inay ka howlgalaan deegaannadaas ayaan dib ugu laaban, balse waxaa jiray safarro dhowr ah oo ay ku tageen deegaannadaas si ay u qiimeeyaan sida ay uga howlgeli karaan.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa saakay lagu arkayaa ciidammo fara badan oo ilaalinaya ammaanka jidkaas, si aan loo weerarin gaadiidka raashinka gargaarka ah wada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya