4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Kulan looga hadlayay cidda ka dambeysa dilalka hal-doorka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Minneapolis (SAWIRRO)


Isniin, March 18, 2013(HOL): Kulan aad u ballaaran oo loogu magac daray YAA KA DANBEEYA DILKA HAL-DOORKA SOOMALIYEED ayaa lagu qabtay Minneapolis Convention Center kasoo ay qabanqaabiyeen qaar ka mid ah masaajiddada gobalka Minnesota oo ay ku nool yihiin Soomaali aad u tiro badan.

 

Kulankan oo ay ka hadleen culummaa’udiin ,aqoonyahano & odayaal dhaqameedyo ayaa waxaa aad looga hadlay dhibta ummadda ayku hayso dilka soo noqnoqanaya ee  lagu hayo culummada, ardayda & waxgaradka soomaaliyeed oo uu ugu danbeeyay dilkii Sheikh Abdikadir Nur Farah.

 

Waxaa aad looga dooday dilka ama gaaleysiinta soo if-baxday tan & markii dhawr sano ka hor la maqlay magaca Al-shabaab, waxaa si baaxad leh looga hadlay halka ay diintu dhigtay badbaadinta nafta ,oo ay culumadu isku wada raaceen in diinteenu tahay mid nabadeed oo loo baahan yahay in si caqli leh loo fahmo .

 

Waxaa si cilmiyeysan looga hadlay billowgii ama soo if-baxii firqooyinka ku salaysan diinta oo la sheegay in firqooyinku yihiin dhib jirta oo loo baaahan yahay in xalinteeda loo adeegsado in la fahmo kidaabka Alle ”Ninna firqo uu ka tirsan yahay janno ku galimaayo waa in cid walbaa ay cabsidda alle janno ugu doonataa” ayuu yiri Sheikh c/risaq Xaashi oo ka mida culummada masjidka Abuubakar ee magaaladda MPLS.

 

Waxaa aad looga faallooday soo if-baxii koox diineedka Al-shabaab dhibka ay ummada ku hayso oo isagu jira ,dilka, khilaafka culummada ,jir-dilka loogaysto dadka qaarkiis oo ay ka jareen xubnahooda.

 


Eng Cabdi Saleebaan oo ka hadlay dhibta dhalinyarada ayaa sheegay in loo baahan yahay in waalidiintu fahmaan ilmahooda in ay ka fakaraan ilmahooda halka ay genayaan hadday noqoto School ama dugsiyada. Wuxuu uga digay waalidiinta inay waqtigooda & maalkooda u huraan ilmahooda ,isagoo u tusaaleeyay silsiladda taxan ee ilmaha 2 jirka ilaa 18 jirka ah oouu  tusay dadkii kulanka kasoo qayb galay in ilmaha dhaqanka aad laba jirka kula dhaqanto uu la gaarayo 17 jirka. ”Cunuga 2 jirkiisa wuxuu u ooyo oo loo daayo 17 jirkiisa kama dhaadhicin kartid Al-shabaab ka har”.

 

Qodobadii Laga Hadlay Waxaa Ka Mid Ahaa:

 

Asalka Firqooyinka  waxaa si cilmiysan u qeexay Sh C/Risaaq Sancaani

Taariikhdii Al Shabaab Waxaa Faaleeyay Sh Abuu Fadli

Shanta Ugu Muhiimsan Nolosha Waxaa Sal Dhigay Caalimka Wayn Sh.Axmed Taajir

Xadgudubka Diinta Waxaa Iftiimiyay Sh Xasan Jaamici

Doorka Culumadda Waxaa Dadka U Sharaxay Sh C/Risaq Xaashi

Nabada Sida Islaamku U Qiimeeyay Ayaa Waxaa Soo Jeediyay Sh .C/Qani Qardaawi

Dr.Mohamed oo ka mida Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa kala hadlay dadkii goobta ku Sugnaa cudurrada dhaqa maskaxda & qaadashada fahamka qaldan

 


Gabababadii ayaa goobta laga soo saaray bayaan waxaana halkaa ka aqriyay Maamulaha Masjidka Abuubkar Mpls Mohamud Guled (Suhayb), qodobadii ugu waa waynaa ee bayaankana waxaa ka mid ahaa:

 

1 In la saxo inxiraafka diiniga ah oo la saaweeyn iyadoo la raacayo asluubta shareeecada.

2 Waxay ururka Al shabaab loogu baaqay in uu ka waantoobo qaladaadka ay dhex dabaalanayaan, dibna ugu soo laabtaan manhajka saxda ah.

3 In la taageero shirka ay ku baaqeen culummada ee Garowe kaddib dilkii Sh. C/qadir Nuur Faarah.





 

Siyaad Saciid Salaax, Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis, Minnesota