4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somalia oo Hambalyo u diray dhigiisa dalka Jabuuti oo mar kale loo doortay xilkaas


Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Iyadoo bishii labaad ee sannadkan la soo doortay 65 kursi ee uu ka kooban baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa waxaa mar kale ku guuleystay inuu baarlamaanka hoggaamiye Idiris Arna’uud Cali, isagoo codad aqlabiyad ah loogu doortay xilkaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray maanta ayuu ugu hambaleeyay Idiris Arna’uud doorashada mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo baarlamaanka Qaranka Jabuuti.

“Waxaan rabaa inaan ugu horreyn halkaan ku muujiyo dareenkeyga ku aaddan guusha uu walaalkey Idiris Arnaa’uud Cali ka gaaray doorashada dalka Jabuuti, isagoo mar kale loo doortay inuu hogaamiyo baarlaamanka Qaranka Jabuuti; aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in walaalkey uu mar labaad kusoo noqday jegada guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa mar kale yiri: ”Walaalkey Idiris waa nin waayo-arag ah oo isku biirsaday wadaninimo, aqoon iyo akhyaarnimo; muddadii koobneyd ee uu soo booqday halkan [Muqdisho] wuxuu aad noogu dhiirri-geliyay inaan sii wadno howlaha aan u heyno shacabkeenna Soomaaliyeed, mar labaad waan u hambalyeynayaa.”

Ugu dambeyn, Prof. Jawaari ayaa RABBI uga baryay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Jabuuti inuu xilkiisa adag la garab-galo; isla markaana uuu ka shaqeeyo ilaalinta danaha shacabka Jabuuti iyo Soomaaliya.

Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa wuxuu ka kooban yahay 65 kursi, waxaana 80% ku guuleystay xisbiga talada dalka Jabuuti haya ee UMP, halka xisbiga mucaaradka ah ee USN uu helay 10%, taasoo ay diideen xisbiyada mucaaradka Jabuuti.

Maxamed Xaaji  Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya