4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan, Saraakiisha Jabuuti iyo Hay'adaha Samafalka oo ka hadlay wax ka qabashada Cudurka Shuban-Biyoodka

Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Iyadoo aad mooddo in wali si xowli ah uu ku soconayo saameynta cudurka suban biyoodka ee ka dilaacay magaalada Baladweyne, islamarkaana ay sii kordhayaan tirada dadka ku dhimanaya iyo kuwa uu soo ridanayo, ayaa waxaa arintaa kulan ka yeeshay mas'uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan, saraakiisha Jabuuti, iyo mas'uuliyiinta hay'addaha samafalka ka howlgala gobollka.

Kulanka oo ahaa mid deg deg ah ayaa waxaa isugu ku baaqay qabashadiisa mas'uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan si looga arisansado wax ka qabashada cudurka oo u muuqda mid sii baahaya.

Dhinacyadii ka qeyb-galay kulanka ayaa waxaa ay isla falan-qeeyeen sida ugu sahlan ee looga hortagi karo saameynta cudurka iyo gargaar deg deg ah oo lala gaaro dadka hadda uu aasibay, waxaana markii danbe arintan loo saaray guddi gaar ah isugu jira maamulka gobollka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo xubno ka socda hay'addaha samafalka ka shaqeeya.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobollka Hiiraan Cadaawe Cilmi ayaa sheegay in durbaba guddigu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howlgali doono wax ka qabashada saameynta uu bulshada ku yeeshay cudurka shuban-ka, gaar ahaan sidii gurmad caafimaad oo deg deg ah loola gaari lahaa dadka uu soo ritay.

Dr Cabdi Wabari Geedi oo ka mid ah dhaqaatiirta ciidamada Jabuuti islamarkana sida weyn ugu howlan daweynta dadka la il darran cudurka oo kulanka goob joog ka ahaa ayaa sheegay in guddiga noocan oo kale ah wax weyn ka tari karo wax ka qabashada saameynta cudurka uu wato, isaga oo intaa ku darray in dhinacooda ay aad u dadaalayaan.

Tirada dhimashada ayaa hadda ku dhaw dhaw 20 ruux, iyadoo in ka badan 50 ruuxna uu soo ritay cudurka shubanka, waxaana dadka lagu daweynayaa xeryo ku-meel-gaar ah oo laga hergaliyay dulleedka magaalada Baladweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya