4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 18, 2013
Dagaalyahanno uu Hoggaaminayo Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu-Mansuur oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool


Isniin, Maarso 18, 2013 (HOL) — Ciidammo uu hoggaaminayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur) oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ayaa xalay gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaas oo ay shalay la wareegeen kaddib markii ciidamadii Itoobiya iyo kuwii dowladda ay isagabaxeen degmdaas.

Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-shabaab oo Mareykanka uu horay u dul-dhigay lacagaha ayaa sheegay in ciidamadooda ay ku qabseen kuwii Itoobiya ee degmdaas ku sugnaa inay isaga baxaan.

“Muddo sannad ah ayaa go’doomin lagu hayay degmada, taas ayaana sabab u ah in cadowgii Itoobiya ay halkan isaga baxaan, maantana gacanteenna ayay ku jirtaa,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Mansuur.

Abuu-Mansuur ayaa ugu baaqay shacabkii ka barakacay degmadaas inay dib ugu soo laabtaan deegaankooda, ayna ku dhaqmaan shareecada Islaamka, isagoo sheegay in deegaannada kale ee gobolka ay kaga sugan yihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ay  dhawaan ka saari doonaan.

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo markii laga qabsaday Xudur waxay ku sugnaayeen daafaheeda iyagoo rajeynayay in maalin uun ay dib ugu laaban doonaan, taasoo ugu dambeyn u suurogashay.

Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur ayaa ku boorriyay xoogagga Al-shabaab ee dib ula wareegay degmada Xudur inay dadka u cadaalad falaan, isagoo sidoo kale sheegay in degmadu ay hadda wixii ka dambeeyay tahay u furan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa waxay shalay dib ula wareegeen deegaanka Owdiinle oo u dhexeeya degmooyinka Bardaale iyo Baydhabo ee gobolka Bay, kaddib dagaal adag oo ay la galeen ciidamadii dowladda ee halkaas ku sugnaa.

Al-shabaab oo sannadkii hore dhul ballaaran laga qabsaday ayaa waxay u muuqataa inay sannadkan ay sidii hore ka bedelen yihiin, iyadoo howgallada ay kula wareegeen deegaannadan ay imaanayso xilli la bedelay taliyihii iyo ku xigeenkii ciidamada xoogga dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya