4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo soo dhaweeyay Sii-daynta Wariye C/casiis Koronto oo Muddo u xirnaa Dowladda


Axad, Maarso 17, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa si diirran u soo dhaweeyey sii daynta weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) oo muddo 65 maalmood ah ku xirnaa xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa ku dhawaaqday maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka Maarso in lasii daayay weriye Koronto, waxayna arrintan ka dambeysay kaddib markii maxkamadda racfaanku dib u furtay dacwaddiisa. Ra’iisal wasaare Saacid ayaa hay’adda garsoorka ka dalbaday in dacwadda weriyaha la marsiiyo wado waafaqsan sharciga dalka u degsan, taasoo uu sheegay inay keentay in wariyaha uu xorriyadiisa dib u helo.

“Runtii sii daynta wariyaha waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday waana soo dhaweyneyaa,” ayuu yiri ra’iisul waaaraha oo intaas ku daray: “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta ballan-qaadyadeeda ku aaddan illaalinta xuquuqda wariyeyaasha iyo xurmeynta xorriyatul-qawlka.”

Dhanka kale, ra’iisal wasaare Saacid ayaa sheegay inay si weyn hoos ugu dhaceen weerarradii loo geysan jiray suxufiyiinta, ayna wali taagan tahay abaal-marintii $50,000 (konton kun ee Dollar ahayd) ee lagu bixinayay ciddii soo sheegta ruux wax-yeello ugu geysta wariyeyaasha. Isagoo bahda saxaafadda kula dardaarmay inay ka qeyb-qaataan dib u-dhiska dalka iyo horumarintiisa, si loo helo nabad iyo xasillooni waarta.

Wariye Cabdicasiis Koronto ayaa markii lasoo daayay sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sii dayntiisa, isagoo u mahadceliyay cid walba oo gacan ka geysatay sii dayntiisa, wuxuuna intaas ku daray inuu sii wadan doono howshiisii saxaafadeed.

Suxufigan oo loo xiray 10-kii bishii Jannaayo ee sannadkan wareys uu la yeeshay haweeney sheegtay inay kufsadeen rag ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya aya alagu xukumay hal sano oo xabsi ah, inkastoo ay xukunkiisa qafiifisay maxkamadda rafcaanka ee gobolka Banaadir oo bishan horraanteedii ka dhigtay lix bilood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya