4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray Ra’iisul waasaraha cusub ee loo magacaabay Waddanka Shiinaha

 Xi Jinping
Axad, Maarso 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay maanta oo Axad ah magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Shiinaha, Li Keqiang isagoo u rajeeyay in si sharciga dalkaas waafaqsan uu u guto xilkiisa.

Xasan Sheekh  ka hadlayay Muqdisho ayaa yiri: “Xukuumadda iyo shacabka Soomaaliya waxay hambalyo ku aaddan magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub u dirayaan shacabka dalka Shiinaha.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha ay yihiin laba dal oo saaxiibbo ah waxaana rajeynaynaa in xiriirkeennii soo jireenka ahaa uu dib u soo laabto sannado badan kaddib.

“Waxaanu fiirinaynaa sida ay madaxda cusub ee Shiinuhu u shaqeeyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo u rajeeyay madaxda cusub ee Shiinaha iyo shacabkooda guul iyo horumar.

Dalka Shiinaha ayaa waxaa dhawaan loo doortay madaxweyne cusub oo lagu magacaabo, Xi Jinping kaasoo soo magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub, waxayna labadoodu ballanqadeen inay isbedel ku sameyn doonaan xiriirka Shiinaha kala dhexeeya calaamka intiisa kale.

Shiinaha ayaa waxay xiriir wanaagsan la lahaayeen Soomaaliya intii aysan dhicin dowladdii milateriga ahayd, iyagoo lagu xusuusto inay dhiseen qaar ka mid ah waddooyinka Soomaaliya, garoonka kubadda cagta, Isbitaallo iyo golaha murtida iyo madadaalada Muqdisho.

Madaxweynah dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay in lixda tiir ee ay dowladdu ku shaqeynayso uu ka mid yahay in lasoo celiyo xiriirkii ay Soomaaliya kala dhexeeyya dhammaan dalalka caalamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya