4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay laba qof oo uu ku jiray Askari ka tirsan ciidamada Waddooyinka ee Taraafikada

Axad, Maarso 17, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta laba qof oo uu ku jiray mid ka mid ah ciidamada taraafikada Muqdisho ku toogtay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay u suurogashay inay si fudud uga baxsadaan goobihiii ay dilalka la geysteen.

Askariga taraafikada ka tirsanaa ee la dilay wuxuu ahaa isbatoore lagu magacaabi jiray Xasan Warsame, waxaana kooxaha hubeysan ay toogteen saakay aroortii hore isagoo shaqadisa kusoo jeeda.

“Isbatooraha waxaa lagu dilay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid isagoo kasoo baxaya gurigiisa kuna sii jeeday shaqadiisa, waxaana dilkiisa fuliyay laba nin oo bastoolado ku hubeysan,” ayuu yiri taliyaha ciidamada taraafikada Muqdisho, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo saxaafadda la hadlay.

Dhanka kale, kooxo hubeysan ayaa iyaguna ku toogtay xaafadda Gubta ee degmada Dayniile nin rayid ah, kaasoo aan la garanayn sababta ay u dileen, iyadoo la sheegay in ruuxa la dilay uu muddo maydkiisa jidka yaallay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka askarigan ciidamada dowaldda ka tirsan iyo ruuxan rayidka ah, iyadoo kooxihii siyaabaha kala duwan u geystay dilalkaas ay baxsadeen.

Inkastoo ciidammo ka tirsan dowladda ay gaareen halka lagu dilay askariga ka tirsan ciidamada taraafikada ayaanay jirin haddana cid ay u qabteen dilka balse ma jiraan ciidammo gaaray goobta lagu dilay qofka rayidka ah.

Dilalkan ayaa waxay sare u sii qaadayaan dilalkii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo cabsi weyn ku dhaliyay dadka shacabka ah ee caasimadda ku nool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya