4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Dagaalyahannada Al-shabaab oo Hal sano kaddib dib ula wareegtay Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool

Axad, Maarso 17, 2013 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa maanta dib ugu laabtay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwii dowladda Soomaaliya oo muddo hal sano ah gacanta ku hayay.

Degmada Xudur ayaa waxaa Al-shabaab laga qabsaday bishii Maarso ee sannadkii hore, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya ay isaga baxaan degmadaas iyadoo aysan wax dagaallo ah dhicin.

“Mujaahidiinta Al-shabaab dib ayay u qabsadeen degmada Xudur, kaddib markii ay muddo ku go’doominayeen halkaas cadowgii haystay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobollada Bay iyo Bakool ee Al-shabaab, Sheekh Mahad C/kariin oo shir jaraa’id qabtay.

Sarkaalkan ayaa sheegay in shacabkii ku noolaa degmada ay dib ugu soo laabtaan, isagoo xusay inaan dadka wax dhibaato ah loo geysanayn, iyadoo ay dadkii ku noolaa degmadaas ay isaga baxeen saakay aroortii hore.

Ciidamadii Itoobiya iyo kuwii dowladda Soomaaliya ee ka baxay degmada Xudur ayaa la sheegay inay aadeen dhinaca degmada Ceelbarde oo 90-km u jirta degmada Xudur.

Degmada Xudur ayaa waxay noqonaysaa degmadii labaad oo ciidamada Itoobiya ay isaga baxaan tan iyo markii ay Soomaaliya soo galeen dhammaadkii sannadkii 2011, waxaana ay horay uga baxeen degmada Ceel-buur ee gobolka Galguduud oo ay Al-shabaab ka qabsadeen.

Wararka caawa laga helayo degmada Xudur ayaa waxay sheegayaan inay xaaladdu deggen tahay inkastoo aysan dad badan ku sugnayn, waxaana ku jira gudaha degmadaas xoogagga Al-shabaab oo wata gaadiid yar oo kuwa dagaalka ah.

Inta badan degmooyinka gobolka Bakool ayaa waxaa gacanta ku haya xoogagga Al-shabaab, waxaana ka bixitaanka ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ee Itoobiya ay imaanaysaa iyadoo maalmo ka hor la bedelay taliyihii iyo abaanduulihii ciidamada xoogga dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya