4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Madaxweynaha Ismaamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Booqasho ku Maraya Deegaanno ay Gabood-fallo ka dhaceen

Axad, Maarso 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane: Cabdi Maxamed Cumar, ayaa booqasho ku maraya deegaano ay baryahan dambe dirir colaadeed ka taagnayd ee deegaanka Xarshimeed ee gobolka jigjiga ee dalka Itoobiya.

Madaxweynuhu booqashadan uu deegaankan ku yimid, ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ku yimaado degmadda Xarshin tan iyo intii uu xilka Madaxtinimada Maamulkaasi qabtay, waxaana socdaalkan sidda la wariyay sababay gabood falo soo noqnoqday oo ay ciidamadda kililku kula kaceen dadka shicibka ah ee deegaankaasi oo cabashooyin xoogani ka dhasheen.

Weftiga madaxweynaha ayaa dadweyno farobadan oo deegaanadaasi si weyn usoo dhoweeyeen, waxaanu xalay u hoyday degmada Xarshin, halka maanta uu kormeer ku tagay magaalada laanqeyta,halkaasi oo uu kula kulmay odayaasha iyo madax dhaqameedka deegaankaasi.

Ilo wareedyo u dhuun daloola booqashada Madaxweynaha Kililka shanaad ee deegaanadan ayaa HOL u sheegay in iska hor imaaadyo soo noqnoqday oo dhexmaray dadka shacabka ee deegaankaasi iyo ciidamada Liyuu booliska ee dawlad deegaanka soomaalida lagaga hadlayo sidii loo xalin lahaaa, isla markaana loo soo afjari lahaa is fahan la’aanta ka jirta.

Toddobaadkan gudihiisa ayey ahayd markii ciidankaasi ku dileen deegaankaasi hal qof oo reer miyi ah, laba kalana ku dhaawaceen, isla markaana laba tuulo oo deegaankaasi ay ku gubeen sida sheegayaan dadka deegaanku.

Booqashada Madaxweynaha Kililka shanaad ayaa Reer Xarshimeed u noqonaysa fursadii ugu horaysay ee ay u helaan Madaxweynahoodda, kaas oo ay dhexmari doonto garnaqsi balaadhan iyo in tabashooyinkooda wax laga qabto, waxaanu madaxweynuhu markii halkaasi gaadhay sheegay in dawladda iyo shacabku si toos ah u  wada hadli doonaan wixii khaldamayna dib loo sixii doono.

Si kastaba ha ahaatee, dadweynaha kililka shanaad ayaa si weyn uga cawda ciidankan Liyuu booliska, kuwaas oo u badan dhalinyaro aan cidna u tudheyn si weyna ay dadku uga baqdaan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland