4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Idaacadaha Bar-kulan, Hirad iyo Ergo oo laga Mamnuucay Puntland iyo Urur ay leeyihiin Saxafiyiinta Puntland oo ka Hadlay


Axad, Maarso 17, 2013 (HOL) — Iyadoo ay dhowaan wasaaradda war-faafinta ee Puntland  soo saartay amar deegaanada Puntland looga mamnuucayo idaacadaha aan xarumaha ku lahayn Puntland, balse bah-wadaagta la ah ee ka dhex hadla Idaacadaha maxalliga ah ee ka howlgala deegaanada Puntland, ayaa waxaa arintaas markii ugu horeysey faah faahin ka bixiyey wasiirka Wasaaradda Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid sharci ah, maadaama aysan xeerarka saxaafadda ee Puntland ku jirin kuwo ogolaanaya in idaacado dibadda ku yaal oo aan Puntland ogolaansho ka haysani ay ka hadli karaan dhulka ay Puntalnd maamumusho.

"…Idaacaddu waa inay ogolaansho ka heystaa cidda joogta meesha ay markaas ka hadlayso...idaacad, idaacad ka dhex hadleysaa ma ahan sharci, qaanuunkana ma waafaqsana.." wasiirka warfaafinta Puntland ayaa yiri.

Wasiirku wuxuu ugu danbeyntii sheegay in Puntland aysan marna u dulqaadan doonin in saxaafaddu ay ku kacdo wax aan sharci ahayn, wuxuuna ku adkeystay in go'aanka wasaaradiisu ay shaqada kaga joojisey idaacadaha Ergo, Hirad iyo Bar-kulan uu yahay mid sharciga waafaqsan.

Dhinaca kale xoghayaha ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP Burhaan Axmed Daahir, ayaa si kulul uga jawaabey hadalka kasoo yeeray wasiirka, wuxuuna tilmaamay in uu yahay mid loo dhigay qaab mas'uuliyad darro ah.

"...Wasiirka waxad mooda inuu isagu sharciga yahay...xeerarka saxaafadda ee Puntland waan akhrinay, waana naqaan, meel ay kaga qoran tahay maleh in idaacadaha kuwa kale ka dhex hadlaa ay sharci darro tahay...tallaabada ay wasaaradda warfaafinta ee Puntland qaadayna waa mid xadgudub ku ah xuquuqda saxaafadda..." xoghayaha ururka saxafiyiinta Puntland oo ay hadalkiisa caro ka muuqatey ayaa yiri.

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu khilaaf xooggani ka dhex jiro ururka saxafiyiinta Puntland iyo wasaaradda warfaafinta, mana ahan markii ugu horeysey ee ay Puntland shaqada ka joojiso qaybo kamid warbaahinta, haseyeeshee waxaa jirey dhowr mar oo hore oo ruqsadda shaqada lagala noqday war-baahin u badan kuwa la iska arko ee uu fadhigoodu yahay dibadda.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya