4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland oo Maanta Xilka Wareejiyey (SAWIRRO)


Axad, Maarso 17, 2013 (HOL) — Wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Putland Mudane Daa'uud Maxamed Cumar oo dhowaan xilkaas iska casiley ayaa munaasabad maanta ka dhacday magaalada Garoowe si rasmi ah xilka ugu wareejiyey.

Munaasabadda xil-wareejinta oo  ahayd mid si weyn loo soo agaasimey, waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta wasaaradda qorsheynta , waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiin dowladda Puntland ka tirsan oo wasiirro u badan.

Mudane Daa'uud Maxamed Cumar oo ugu horeyn hadalka qaatay ayaa si kooban uga sheekeeyey waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilkaas hayey oo ahayd saddex sano, isagoo dhinaca kale ammaan ballaaran u jeediyey howl-wadeenada wasaaradda, ugana mahad celiyey sida fiican ee ay ula soo shaqeeyeen.

Intaas kaddib waxaa goobta ka hadlay mas'uuliyiin kale oo uu kamid ahaa wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Puntland Cabdiweli Indho-guran iyo madaxa hay'adda UNDP  xafiiskeeda deegaanada Puntland.

Ugu danbeyntii wuxuu wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheyntu si rasmi ah xilkaas ugu wareejiyey mudane Sayid Muxamed Cabdili Xasan oo isagu ah wasiiru-dowlaha wasaaradda qorsheynta. Sayid Maxamed oo isna si kooban madasha uga hadlay ayaa sheegay in uu howsha halkaas kasii wado doono.

Daa'uud Maxamed Cumar oo kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon golaha wasiirrada ee Puntland oo isagu dhowaan istiqaaladiisa soo gudbiyey, wuxuu sheegay inuu  ku biiri doona xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya