4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Wariye C/casiis Cabdinuu (Koronto) oo Maanta Xorriyadiisii dib u helay

Axad, 17 Maarso, 2013(HOL):- Wariye C/casiis C/nuur Ibraahim (Koronto) ayaa maanta xoriyadiisii dib u helay,  kadib markii ku dhawaad sedex bilood ah uu ku xirnaa xabsiga dhexe gobolka Banaadir.

Abdiaziz Koronto.jpg
Wariye C/casiis Koronto ayaa lagu eedeeyay in uu faafiyay warbixin ay saraakiisha ciidamadu sheegeen in ay ahayd mid been abuur ah, taasoo ahayd haweeney sheegtay in ay kufsadeen rag ku labisnaa dareeska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha maxkamadda Sare ee dowladda Soomaaliya Caydiid C/laahi Ilkaxanaf ayaa sheegay in baaritaanno ay sameeyeen ay u cadaatay in wariye Koronto uusan lahayd wax danbi ah sidaas daraadeedna ay maxkamaddu fasaxday.

Kadib markii ay maxkamaddu fasaxday wariye Koronto ayuu saxaafadda kula hadlay ilinka hore ee maxkamadda, wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu dib u helo xoriyadiisa.

Wariyahany ayay horaantii bishii Febraayo ee sanadkan maxkamaddu ku xukuntay xabsi mudo hal Sano ah, haseyeeshee xukunkaasi ayaa waxaa si kulul u cambaareeyay ururka saxafiyiinta qaranka Soomaaliyeed, ururrada caalamiga ah ee u doodda xuquuqda saxaafadda iyo kuwa xuquuqul insaanka, waxaana xukunkaasi racfaan ka qaatay qareenkii u doodayay wariye C/casiis Koronto.

3-dii bishan aynu ku jirno ee Maarso ayay Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir dib u dhageysatay dacwada arinta la xiriirto kufsiga haweeneyda, waxaana dood dheer kadib ay maxkamaddu xukunkii ka qafiifisay wariye Koronto, iyadoona ku xukuntay mudo lix bilood ah, waxayna sidoo kale Maxkamaddu cafis u fidisay haweeneydii sheegtay in la kufsaday oo iyaduna hore ugu xukunayd hal sano oo xabsi ah.

Arintan la xiriirto haweeneyda la kufsaday  ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ahayd mid siweyn looga hadal hayo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, iyadoona saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Maye ay sheegeen in arinta haweeneyda sheegatay in la kufsaday ay  ahayd mid been abuur ah oo la doonayay in lagu bahdilo sumcadda booliska Soomaaliyeed, waa siday hadalka u dhigeena.

Amarka maxkamadda sare ee dalka ay kusii deysay wariye C/casiis Koronto ayaa waxa si diiran usoo dhaweeyay guud ahaan saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Banaadir oo iyagu dadaal dheer u galay sidii wariye C/casiis koronto uu dib ugu heli lahaa xoriyadiisa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.