4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Eeyo Xanuunsan oo Muqdisho ku dhaawacay Toddoba qof kaddib markii ay ku Weerareen Degmada Xamar-jajab

Axad, Maarso 17, 2013 (HOL) — Ugu yaraan toddoba qof oo isugu jira ilmo iyo dad waaweyn ayaa ku dhaawacmay degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir kaddib markii ay weerar ku qaadeen eeyo xanuunsan.

Dadka dhaawacmay ayaa qaarkood xaaladoodu culus tahay, iyagoo aan weli helin wax dawooyin ah, waxaana weerarradan oo ahaa kuwo is-daba joog ah ay dhaceen labadii casho ee lasoo dhaafay.

“Eeyo ayaa gurigeyga igu soo weeraray xilli fiid ah; waan la dagaalamay, ugu dambeyn aniga ayay gacanta bidix iga qaniineen, balse caruurta waan ka badbaadsaday,” ayay tiri haweeney uur leh oo ka mid ah dadkii ay eydu dhaawaceen.

Sidoo kale, haweeney kale ayaa sheegtay in wiil ay dhashay ay eeyuhu ku weerareen meel dibadda ka ah gurigooda ayna ka qaniineen garabka midig, iyadoo sheegtay in xaaladdiisu ay aad u daran tahay ayna mararka qaarkood qabanayso qandho.

Oday ka mid ah dadka deegaanka ayay sidoo kale eeyuhu dhaawaceen iyadoo la sheegay in eeyahan ay yihiin kuwo qaba cudurka halista ah ee raabiyada loo yaqaan, kaasoo dhaliyay waalli.

Dhibbanayaasha ayaa sheegay inay weli helin dawooyin, iyadoo aanay jirin wax hadal ah oo arrintan ay kasoo saartay dowladda Soomaaliya iyo weliba wasaaradda caafimaadka dalka oo ka mid h wasaaradda horumarinta adeegga bulshada.

Qaar ka mid ah dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa sheegaya in qaniinyada ay eeyaha xanuunsan ay sababi karto geeri ama waalli ku timaadda dadka ay asiibeen, haddii aan si dhaqso badan looga daweyn.

Ma ahan markii ugu horreysay oo eeyo noocan oo kale ah lagu arko gobolka Banaadir, iyadoo dhowr jeer oo hore ay eeyahan oo kale ay dhaawacyo ugu geysteen Muqdisho dad kala duwan, inkastoo eeyahaas qaarkood markii dambe toogasho lagu dilay.

Eeyda oo weli ku sugan degmada ayaa waxay degmada ka dhigeen mid bandow ah xilliyada habeenkii ah iyadoo dadka ay guryahooda galaan markii la gaaro maqribka, iyadoo aan la ogeyn tallaabada ay dowladda iyo maamulka gobolku ka qaadn doonaan eeyahan xanuunsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya