4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 14, 2013
Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Badda Soomaaliya oo xalay lagu dilay Degmada Dharkeynley iyo Guddoomiye la Weeraray

Khamiis, Maarso 14, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Dharkeynley ee gobolka banaadir, sarkaal sare oo ka tisranaa ciidamada Badda Soomaliya, iyadoo sidoo kale isla xalay bam lagu weeraray guriga guddoomiyaha degmada Waaberi.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray, Col. Maxamed Gaafoow ayaa waxaa lagu dilay illinka hore ee gurigiisa, waxaana toogtay saddex ruux oo ku hubeysan bastoolado, kuwaasoo ay u suurogashay inay baxsadaan.

“Col. Gaafoow waxaa la dilay isagoo weeseysanaya, waxaana dhowr jeer laga toogtay madaxa iyo laabta, goobtii lagu toogtay ayuuna ku dhintay,” ayuu yiri mid ka mid ah ehelladiisa oo warbaahinta la hadlay, isagoo intaa ku daray in maanta lagu aasayo Muqdisho.

Taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya, Admiral Faarax Axmed Qare oo dilka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sarkaalka la dilay uu taliye ka ahaa mid ka mid ah afarta saldhig ee ciidamada badda ay ku leeyihiin Muqdisho.

“Sakaalka waxaa dilay kooxo dhagar-qabayaal ah, waxaana lagu dilay illinka hore ee gurigiisa isagoo weyso qaadanaya, waxaana Alle uga baryaynaa inuu jannadiisa ka waraabiyo,” ayuu yiri Admiral Faarax Qare.

Dhanka kale, bambaano ayaa lagu weeraray xalay guriga guddoomiyaha degmada Weeberi ee gobolka Banaadir, Axmed Mayre Makaraan, iyadoo maamulka degmadu ay sheegeen inay qabteen ruuxii bambaanada tuuray.

Weerarka iyo dilka ayaa waxay kusoo beegmayaan iyadoo labadii casho ee lasoo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen dilal qorshesan oo lagu fuliyay illaa lix qof oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya