4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2013
Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Somaliland oo Qaban-qaabiyay kulan lagaga Hadlay Horumarinta Gobollada Bariga Somaliland

Arbaco, Maarso 13, 2013 (HOL) —  Arbaco, Maarso, 13, 2013 (HOL)- Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland ayaa lagu qabtay kulan lagaga hadlayey horumarinta goboladda bariga Somaliland oo ay ka muuqdaan dib u dhac weyn.

Kulankan waxa ka soo qaybgalay wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka ganacsiga, Beeraha, hawlaha guud, wasiiru dawlaha gobolada bariga, wasiir ku xigeenka macdanta iyo biyaha, wasiirka qorsheynta iyo gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Wakiiladda iyo Guurtidda Somaliland.

Kulankan ayaa lagaga hadlayey sidii waxqabad la taaban karo iyo horumar loo gaadhsiin lahaa goboladda bariga oo labaatankii sannadood wax badan aan laga qaban, taasina ay keentay inay ka dib dhacaan gobolada kale, gaar ahaan marka loo eego gobolada galbeedka Somaliland.

Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Axmed Xaaji Cali Cadami, wasiir-u- dawlaha nabadgelyada ee Gobollada Bariga Somaliland, Keyse Cabdi Yuusuf, Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha C/salaam Maxamed Xasan oo kulankaasi hadalo ka jeediyey ayaa dhamaantood ku adkaystay in loo baahan yahay in la helo qorshe nidaamsan oo isku xidhan oo lagaga qayb qaato horumarin lala damacsan yahay gobolada bari ee Somaliland,  waxaanay soo jeediyeen in hay’adaha caalamiga ah si degdeg ah uga hawlgalaan goboladaasi. Wasiirkii hore ee wasaaradda Cadaaladda ee dawladdii Rayaale, Mudane Axmed Cabdi Casoowe, ayaa loo xilsaaray isku duwidda barnaamijyada iyo qorshayaasha lagaga hawlgelayo horumarinta  gobolada bariga Somaliland, waxaanu tilmaamay inay lama huraan tahay in laga wada shaqeeyo sidii adeega horumarineed loo gaadhsiin lahaa gobolada loo qorsheynayo in la horumariyo.

Wasiirka wasaarada Qorsheynta Qaranka iyo horumarinta Dr: Sacad Cali Shire oo kulankan furay ayaa sheegay in masuuliyiintani iskugu yimaadeen sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa gobolada bariga Somaliland, kaas oo uu tilmaamay in laga hirgaliyo adeegyo horumarineed oo loo sameeyo dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaayo oo khudbadii sanadeedka ee  bishi Janaayo, 30-keedii ka jeediyey labadda gole Baarlamaan, ayaa  sheegay in miisaaniyada sanadkan ay ku jiraan mashaariic horumarineed oo laga hirgalin doono goboladda bariga oo dib u dhac weyni ka muuqdo.

“Anigoo garwaaqsan dibu dhaca adeega bulsho ee ka jira gobolada Sool, Sanaag Bari iyo Buuhuudle waxaanu sanadkan u qorshaynay 38 mashruuc oo horumarineed oo usii gaar ah goboladaas, kuwaas oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada, kor uqaadista shaqo abuurka iyo wax soo saarka, kuwaas oo loo qorsheeyay inay ku baxdo lacag dhan 9 Bilyan Somaliland Shillin oo u dhiganta $1,300,000 USD (Hal Milyan iyo Saddex Boqol oo Kun)”ayuu madaxweynaha oo ka hadlaya mashaariicda miisaaniydda 2013 ugu jirtay gobolada Sool iyo sanaag.

Isagoo madaxweynuhu inta mashruuc ee gobol kasta laga fulinayo tilmaamaya waxa uu yidhi “  Gobolka Sool waxa laga hirgalnayaa 15 Mashruuuc oo ay ku baxayso kharash $500,000 USD (Half Milyan), Deegaanka Sanaag bari 15 Mashruuc oo ay ku baxayso kharash dhan $500,000  USD (Half Milyan),  Gobolka Buuhoodle 10 Mashruuuc oo ay ku baxayso kharash $300,000 USD” Sidaa darteed, kulankan wasiiradda waxa uu daba joogaa hirgalinta mashaariicda badan ee uu madaxweynuhu sheegay inay ka fulin doonaan Goboladda bariga Somaliland.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland