4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2013
Saraakiish​a maamulka gobollka Hiiraan oo sheegay in ay wadaan qorshayaal looga hortagayo walxaha qarxa

Arbaco, Maarso, 13, 2013 (HOL) -- Saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan oo kaashanaya ciidamada dowladda Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal sida sheegeen looga hor tago in walxaha qarxa lala soo galo magaalada.

Taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo warbaahinta la hadllayay aya sheegay in uu socdo howlgal lagu tiro koobayo gadiidka iyo mootooyinka ay dadku isticmaalaan si loo diiwaan galiyo, loogana hortago in gadiid lagu soo qariyay walxaha qarxa la soo galiyo magaalada.

‘’Sida aad ka warqabtaan nabad-galyada magaalada aad ayaa looga shaqeeyay ciidamada habeen iyo maalinba waa ay shaqeeyaan, hadda waxaan bilaawnay in aynu taro koob ku sameyno gadiidka magaalada, si looga hortago in walxaha qarxa lala soo galo magaalada,’’ ayuu yiri Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Waxaa uu sheegay taliyahay in Al-shabaabn ay ku guul-dareysteen weeraradii ay soo qaadi jireen, taa badalkeedana laga yaabo in ay adeegsadaan walxaha qarxa, waana tan keentay in ciidamadu u howlgalaan sidii arintaa looga hortagi lahaa arintaa iyada ah ayuu hadalkiisa si raaciyay.

Ciidamada maamulka iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa si joogta ay uga howlgala wax ka qabashada amniga magaalada, waxaana xaafaddaha qarkood laga hergaliyay saldhigyo ciidan si markaa ay u sugaan amniga.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya.