Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay si dhaqso badan ugu rarayaan howsha tababaridda ciidamada Soomaaliya gudaha magalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, halkaasoo lagu tababari doono ciidamada Soomaaliya.
Madaxa howgalka tababarka ciidamada Soomaaliya ee Midowga Yurub, Bri-Jen. Gerald Aherne ayaa wariyeyaasha ugu sheegay Arbacadii lasoo dhaafay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium in howsha tababarka Uganda ee ciidamada Soomaalida ah loo wareejin doono Muqdisho.
Balse wuxuu sheegay inay u baahan yihiin saddex arrimood oo kala ah: inay saraakiisha tababarka bixiaya ay helaan fursad nabadeed oo ay ku shaqeyn karaan, qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen oo Muqdihso la geeyo iyo weliba iyo dawooyin.
“Waxaan ku rajo weynnahay inaan dhammaan waxyaabaha aan dalbanay aan heli doonno,” ayuu yiri Jen. Aherne. Isagoo xusay in wax wanaagsan ay tahay in ciidamada Soomaaliya lagu tababaro wixii hadda ka dambeeya gudaha dalkooda.
Howsha ay Midowga Yurub ku tabarayaan ciidamada Soomaaliya ayaa waxay socon doontaa illaa bisha Maarso 2015, taasoo ay isku raaceen dhamaan xubnaha EU-da oo shir ku yeeshay xaruntooda Belgium.
Tababarka ciidamada Soomaalida ee uu bixinayo Midowga Yurub ayaa waxaa lasoo billaabay sannadkii 2010, iyagoo tababaray 3,000 oo askari oo hadda ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-shabaab.
Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dowladda Soomaaliya ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbatay in cunno-qabteynta hubka laga qaado si ay dib ugu dhisto ciidamadeeda qalabka sida.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ururka Midowga Yurub oo sheegay in howsha Tababbarka Ciidamada Somalia si dhaqso ah loogu Wareejinayo Muqdisho
More News
- Xoogag Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo Ganacsade caan ahaa ku toogtay Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Bay
- Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidmada Somalia oo Xukuno dil ku ridday Askarta Ciidamada Dowladda Somalia
- Odayaashii soo xulay Baarlamaanka oo Muqdisho ku yeeshay kulan ay kusoo dhaweeyeen Waxqabadka Dowladda (SAWIRRO)
- Qaraxyo Xooggan oo ka dhacay Baar ku yaalla Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
- Wasiiradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo Nairobi kaga qaybgashay shir ay yeesheen Dalalka IGAD (SAWIRRO)
- Ra’isul Wasaaraha Somalia oo ka soo Horjeestay shirka Maamul u Sameynta Jubbooyinka ee ka socdo Kismaayo
- Gaadiidka Dadweynaha iyo Shirkadaha Laydhka Somaliland oo ku hanjabay in ay kordhin doonaan Qiimaha Shidaalka Awgiis
- Jaaliyadda Reer Jabuuti ee ku nool Magaalada Ottowa oo dhigay Dibadbax ay uga Horjeedaan Natiijadii Doorashada (SAWIRRO)
- Bandhig Faneed lacago loogu Ururinayay Carruurta Darbiyo-Jiifka ah oo Xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
- Ciidamada Ammaanka Somaliland oo Saqda Dhexe Habeenkii Baaritaanno ka sameeya Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)
- Gabdhaha Soomaaliyeed ee wax ka barta Suudaan oo soo Bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed (SAWIRRO)