4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 1 , 2013
Gabdhaha Soomaaliyeed ee wax ka barta Suudaan oo soo Bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 01, 2013 (HOL) — Gabdho Soomaliyeed oo wax ka barta dlaka Suudaan ayaa soo bandhigay hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida oo ay ku jiran habka cunno-karinta, fanka iyo sidoo kale dharka ay Soomaalidu xirntaan.

Bandhiggan oo ay sameeyeen gabadhaha wax ka barta jaamacadda Axfaad ayaa waxaa sidoo kale ku jiray haween kasoo jeeda dalalka Itoobiya iyo Kenya oo iyaguna soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka dalalkooda, inkastoo gabdhaha Soomaaliyeed ay si aad ah uga dhex-muuqdeen bandhiggaas.

Dajiraha Soomaaliya ee dalka Suudaan, Maxamed Cabdullaahi Ugaas Faarax ayaa ka mid ahaa xubnihii ka qaybgalay bandhigga, isagoo ammaan gaar ah u soo jeediyey gabadhaha Soomaaliyeed ee halkaas kusoo bandhigay habka cunno-karinta Soomaalida iyo hiddaha iyo dhaqanka.

“Runtii waad ku ammaanan tihiin sida aad isugu mashquuliseen inaad is aad u wanaagsan u soo bandhigtaan hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida, waxaad ku galaysaa arrintaan baal dahab ah,” ayuu danjiruhu u sheegay gabadhihii Soomaaliyeed ee bandhiggan ka qaybgalayay xilli uu booqabanayya goobihii ay kusoo bandhigeen hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu booqday goobaha lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqanka dalalka Safiir Maxamed C/laahi Ugaas ayaa sidoo kale soo indha indheeyay Bandhiga Gabdhaha kasoo jeeda Wadamada Kale ee Aan Jaarka nahay sida kenya, Uganda, iyo Ethiopia.

Dalka Suudaan ayaa waxaa ku sugan arday fara badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo wax ka barta jaamadaha dalkaas ku yaalla, waxaana sannad walba lagu qabtaa bandhig-faneedyo ay ardayda afrikaanka ah ee wax ka barta dalkaas kusoo bandhigaan hiddahooda iyo dhaqankooda.












Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya