4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2013
Warar dheeraad ah oo ku saabsan dagaallada ka socda Kismaayo iyo dadka oo Billaabay inay ka Barakacaan Guryahooda

Sabti, Juun 08, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalku u dhexeyay iyo shacab isugu jira ayaa ku dhintay dagaal saaka oo Sabti ah ka qarxay bartamaha magaalada Kismaayo, kaasoo u dhexeeya mas’uuliyiin isku haysta xilka madaxweynenimo ee maamulka Jubbaland oo bishii hore looga dhawaaqay Kismaayo.

Dagaalka ayaa wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay dadka ku nool Kismaayo oo billaabay inay ka barakacaan gurayahooda si ay uga nabad galaan rasaasta fudud iyo midda culus ee ay adeegsanayaan labada dhinac.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ku faafay xaafadaha magaalada oo dhan, inta badan magaalada ay ku sugan yihiin dagaalyahannada ururka Raaskambooni oo Sheekh Axmed Madoobe uu hoggaamiyo.

"Waxaan arkay dhimashada sideed qof oo saddex ka mid ah ay ahaayeen shacab, kuwaas oo ku dhintay dagaalkii saaka qarxay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen," ayuu yiri Maxamed Farey oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, goobjoogahan wuxuu sheegay in dagaalku uu weli socdo lana maqlayo hubka ay labada dhinac u adeegsanayaan dagaalka, isagoo sheegay in dadka intooda badan ay ka cararayaan magaalada.

Ciidamada Kenya oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ayaan qaadin wax tallaabo ah oo ay ku joojinayaan dagaalka u dhexeeya Sheekh Axmed Madoobe iyo Iftiin Xasan Baasto oo isku haysta xilka madaxweynenimo ee maamulka Jubaland.

Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan, iyadoo dhinacyada hardamaya uu mid walba isku dayayo inuu la wareego gacan ku haynta magaalada oo laga qabsaday Al-shabaab sannadkii hore.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ku baaqaysa in dagaallada la joojiyo, balse ma jirto wax tallaabo oo ay qaaday si ay dagaalka u joojiso ayna isugu keento labada dhinac ee dagaalka awood iska riixadka ah uu u dhexeeyo.

Afhayeenka Raaskambooni, C/naasir Seeraar ayaa sheegay in ciidamada ay la dagalaamayaan ay yihiin kuwo ay hubeysan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Al-shabaab, dagaalkuna uu yahay mid ay magaalada oo dhan uga sifeynayaan.

Magaalada Kismaayo oo ah magaalo muhiim u ah dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka jiray xiisado ku aaddan is-qabqabsi dhinaca maamulka ah oo tan iyo markii Al-shabaab laga saaray magaaladaas bishii Oktoobar ee sannadkii hore 2012.

Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaalka Kismaayo waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya