4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2013
Gabdho Soomaaliyeed oo deeq Waxbarasho lagu guddoonsiiyay Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka (SAWIRRO)


Sabti, Juun 08, 2013 (HOL) — Deeqdaan waxbarasho oo gaaraysa illaa labo kun oo doolarka Mareykanka ah, ayna iska soo ururiyeen dhallinyaro Soomaali ah hay’ad lagu magacaabo Shanta Foundation ayaa waxaa la guddoonsiiyey labo gabdhood oo ka mid ah arday wax ka barata mid ka mid ah iskuullada sare ee ay Soomaalidu maamusho ee ku yaala gobolka Minnesota.

Munaasabaddii deeqdan lagu bixinayay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay dadweyne aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen shaqsiyaad ka socday goobaha waxbarashada ee gobolka Minnesota.

Cusmaan Axmed oo ka mid ah dhalinyaradii deeqdaan bixinaysay ayaa goobta ka sheegay in ujeedkoodu ay tahay sare u qaadida hammiga dhalinta Soomaaliyeed ee waxbaraneysa, gaar ahaan sidii looga kobcin lahaa dhinacyada luuqda iyo dhaqanka.

“Ma doonayno in jiilka maanta waxbaranaya ay dareemaan marxaladdii adkeyd ee aan soo marnay… Waxaan doonaynaa inay noqdaan kuwo ka faa’ideysta fursadda ay haystaan,” ayuu yiri Cusmaan Axmed.

Macallin Saciid Saalax Axmed oo isugu labadii gabdhood ee ku guulaysatay deeqdaan gudoonsiinayey ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey dhalinyaradii Soomaaliyeed ee aas-aasay mashruucaan lagu dhiiragelinayo ubadka Soomaaliyeed ee waxbaranaya.

“Kooxdaan dhalinyarada ah waxaa ay aas-aaseen saldhig wanaagsan oo ay ku gacan qaban karaan ardayda Soomaaliyeed ee mareysa halkii ay shalay soo mareen,” ayuu yiri Macalin Saciid Salaax.

Ma badna in dhalinta qurbaha ku barbaarta, islamarkaana wax ku barata ay qoraan ama akhriyaan luuqdooda hooyo, hase ahaatee Caa’isho Warsame iyo Zamzam  Cali ayaa araajida codsiga deeqda ku qoray, isla markaana imtixaamka ku galay Soomaali, taasina waa sababta deeqdaan waxbarasho ay ku muteysteen, sida uu madasha ka sheegay Macalin Saciid.

Hay’addaan deeqda bixisay oo lagu magacaabo Shanta Foundation ayaa waxaa mideysan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Minnesota, kuwaasi oo sheegay in hadafkoodu uu yahay ka shaqeynta mideynta iyo isku xirka bulshada, gaar ahaan xoojinta dhaqanka iyo luuqda.

“Dhaqanka iyo luuqaddu waxaa ay ka mid yihiin meelaha laga fiiriyo jiritaanka bulshada, sidaasi daraadeed waxaan doonaynaa in aan ka shaqeynno sidii aan u sii xoojin laheyn…Sidoo kale qorshaheenu waxaa uu yahay in aan ka shaqeyno sidii bulshadeenu ay u noqon lahayd mid kaalin muuqda ku leh dhinaca nolosha iyo wax-soo-saarka,” ayuu yiri Cusmaan Calool-geel oo ka mid ah xubnaha Shanta Foundation.




Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota