4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2013
Xarakada Al-shabaab oo Toogatay Wiilal Dhallinyaro ah oo ay ku Eedeysay inay basaasiin u ahaayeen Dowladda iyo AMISOM

Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa laba wiil oo da’yar ah ku toogtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose khamiistii shalay ahayd, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Garsooraha maxkamadda Al-shabaab, Sheekh Cabdulxaq ayaa sheegay inay labada wiil oo dhallinyarada ah ku heleen inay basaasiin u yihiin ciidamada AMISOM, dowladda Soomaaliya iyo shirkado ka howgala Muqdisho, ayna ku xukumeen dil toogasho ah.

“Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo wajiyada qarsaday ayaa barxad ku taalla degmada Baraawe ku toogtay labadan dhallinyarada ah,” ayuu yiri mid ka mid ah boqolaal dad ah oo goobta ku sugnaa, isagoo sheegay in labadaba rasaas lagu dilay.

Ruuxan goobjooga ah oo magaciisa u qariyay sababo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegay in labada wiil oo wajiyada maro looga xiray kaddibna rasaas lagu furay illaa ay ka dhintaan, taasoo ay dad badan ka naxeen.

Labada wiil oo da’dooda lagu sheegay 24-jiro ayaa waxaa macyadooda lagu kala sheegay: Fu’aad Nuur Calasoow oo la sheegay inuu ka tirsnaa sirdoonka dowladda Soomaaliya uuna howlo jawaasiisnimo ah u joogay Baraawe iyo Cali Xuseen Wiil oo isagana la sheegay inuu xubno Al-shabaab ka tirsan u gacan-geliyay ciidamada dowladda iyo kuw AMISOM.

Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in labadan wiil ay ka kala howlgalayeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa iyo Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye oo uu ay marto waddada isku xirta Muqdisho gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay dilaan dhallinyaro isugu jira rag iyo dumar kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u yihiin dowladda Soomaaliya, AMISOM, Mareykanka iyo dalal kale oo reer galbeed ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya