4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 7 , 2013
Madaxweynaha Somalia oo ku baaqay in si dhaqso ah lagu joojiyo Dagaalka ka socda Magaalo Xeebeedda Kismaayo


Jimce, Juun 07, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay inuu aad iyo aad uga xumaaday dagaal maanta ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo, isagoo baaqay in si deg-deg ah lagu joojiyo colaaddaas, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku yiri warsaxaafadeedka: “Waxaan tacsi kal iyo lab ah u dirayaa intii ku geeriyootay dagaalkii saakay ee Kismaayo, waxaana ALLE uga baryayaa inuu jannadiisa ka waraabiyo, ehelledii iyo Soomaaliyeeda oo dhanna uu samir iyo iimaan ka siiyo, kuwa ku dhaawacmayna uu ee EEBBE caafimaad deg-deg ah siiyo.”

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in waqtigan xasaasiga ah oo Soomaaliya ay kasoo kabaneyno dagaalladii 22-kii sano socday waa nasiib-darro in dad Soomaaliyeed ay is-dilaan, wuxuuna ku baaqayaa in la-wada ilaaliyo xasilloonida iyo nabadda lagana wada shaqeeyo sidii nabad lagu heli lahaa.

“Dagaal shacab baa nooga dhimanaya oo qiimo iyo qaayo weyn noo wada leh, waana in la joojiyo colaadaha ka socda magaalada Kismaayo,”  ayuu ku daray madaxweynuhu hadalkiisa.

Dhanka kale, wuxuu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara colaad, dagaal iyo dulqaad la’aan, wax walba oo dhacana lagu dhameeyo wadahadal iyo nabad.

“Dowladdu waa ay ka go’antahay inay wadahadal, dib-u-heshiisiin iyo si ay ku jirto Soomaalinimo ku wajahdo kuna dhameeyso dhammaan khilaafka jira si aan u wada-gaarno himilooyinka aan hiigsaneyno ee ah in Soomaaliya ay cagaheeda isku-taagto, lana tartanto caalamka kale,” ayuu madaxweynuhu kusoo gabagabeeyay warsaxaafadeedkiisa.

Iskahorimaadkii Kismaayo ka dhacay maanta ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, lix qof oo kalena way ku dhaawacatay inta la xaqiijiyay, wuxuuna u dhexeeyay dhinacyo isku haya maamulka Jubaland ee bishii hore Kismaayo looga dhawaaqay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya