4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2013
Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo oo ka cabanaya kooxo hubeysan oo xilliyada habeenkii ah dhac u geysta

Khamiis, June 06, 2013Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa cabasho ballaaran ka muujiyay kooxo hubeeysan oo xilliyada habeenkii ah dadka isbaareeysta islamarkaana ka qaata moobeelada gacanta iyo waxyaalaha ay wataan.

Habeenadii ugu danbeeyay waxa isa soo tarayay dhaca ay kooxahaasi ka geeysanayaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Kismaayo arintaasoo cabsi ku abuurtay dadka reer Kismaayo.

“Dhibaato aad u daran ayay nagu hayaan kooxahani burcadda ah ee xiliyada habeenkii ah wareega, hada wayba noqotay in xilli habeen ah aan la socon,” ayuu yiri mid kamid ah dadka reer Kismaayo oo HOL u waramay.

Dhaca ka sokow waxa ay kooxahani xabadeeyaan ciddii ka amar diida, waxaana todobaadkan gudihiisa ay dileen ilaa laba qof iyadoona sidoo kale ay jiraan dad intaa ka badan oo ay dhaawacyo u geeysteen.

Saraakiisha dhanka ammaanka ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan falalka amni darro ee kasoo cusboonaaday Kismaayo, mana jiraan ilaa imika tallaabooyin muuqda oo lagu sugayo ammaanka oo ay qaadeen.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya