4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2013
Ciidamada Dowladda Suuriya oo Dib u Qabsaday Magaalada Qusayr

Khamiis, June 06, 2013(HOL) :- Ciidamada dowladda Suuriya ayaa dib u qabsaday magaalada xuduuda ku taal ee Qusayr kadib dagaallo socday isbuucyo oo ay la galeen mucaaradka dalkaasi.

“Ciidamadeena geesiyaasha ah waxay nabad iyo kala danbeyn kusoo celiyeen magaalada Quseeyr,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Suuriya.

Kooxaha mucaaradka ee kasoo horjeeda dowladda Suuriya ayaa xaqiijiyay in ay isaga baxeen magaalada Qusayr halkaasoo ay dagaallo culus oo qaatay in ka badan laba isbuuc ay kula galeen ciidamada dowladda Suuriya oo garab ka helaya dagaalyahannada reer Lubnan ee Xisbullah.

Magaalada Qusayr oo ku taal xadka ay Suuriya la wadaagto dalka Lubnaan ayaa ah magaalo muhiim u ah ciidamada dowladda Suuriya, waxaana magaaladaasi mudooyinkii u danbeeyay gacanta ku hayay xoogagga mucaaradka dalkaasi.

Dib u qabsashada ciidamada dowladda Suuriya ee magaalada Qusayr ayaa imaaneeyso iyadoo mudooyinkii u danbeeyay ay magaaladaasi ka socdeen dagaallo culus oo la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiicda ay ku dhexmarayeen labada dhinac, waxaana lagu soo waramayaa in dagaalladaasi ay sababeen khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo weliba burbur soo gaaray magaaladaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.