4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Dagaal Ciidammo Kawada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ku Dhexmaray Deegaan 60-km u jira Degmada Baydhabo

Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay tiro kalena way dhaawacyo ayaa kasoo gaaray dagaal maanta ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray gobolka Bay.

Deegaanka uu dagaalku ka dhacay oo lagu magacaabo Kutun ayaa 60-km u jira degmada Baydhabo, waxaana la sheegay in labada ciidan ay kala shakiyeen uuna dhexmaray dagaal socday muddo laba saacadood ah.

Ciidamadan kala shakiyay ayaa waxay qaarkood ka yimaadeen degmada Qansax-dheere waxayna ku socdeen degmada Baydhabo, halka kuwa kalena ay ka tageen Baydhabo kuna socdeen Qansax-dheere.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada ciidan ay isku adeegsadeen hub kala duwan iyadoo dagaalkaas ay joojiyeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM oo Baydhabo ka tagay markii uu dagaalku qarxay.

Saraakiil u hadlay labada ciidan ayaa mid walba wuxuu sheegay in ciidamada ay la dagaalameen ay uga shakiyeen inay yihiin kuwa Al-shabaab oo duullaan ku ah, waxaana goobta markiii dambe goobta laga soo qaaday labadii askari ee dagaalka ku dhintay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dagaallo noocan oo kale ah ay dhexmaraan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay, iyadoo iskahorimaadna loo aaneeyay in ciidamada dowaldda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ay wada-xirtaan tuutaha.

Xaaladda ayaa hadda deggen iyadoo ciidamadii dagaalamay uu mid walba aaday halkii uu ku wajahnaa, welina maamulka Gobolka Bay kama uusan hadlin dagaalka sida kama’a ah ku dhexmaray ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo