4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Somalia oo ka hadashay dadka Howgallada lagu soo Qab-qabto

Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka hadashay dadka lagu soo qabqabto howgallada ka socda degmooyinka gobolka Banaadir iyo ciidamada hubka wata aan xiran dharka caadiga ah.

Afhayeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida, C/llaahi Maxamed Muuse (Keyse) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in waalidiinta iyo dadka ehelladooda lagu soo qabqabto howgallada ay maxkamadda ciidamada lasoo xiriiraan si haddii caruurtooda aysan wax dambi ah yeelan loogu sii daayo.

“Waalidiinta iyo dadka kale ee ehelladooda lagu soo qabqabto howgallada waa inay lasoo xiriiraan maxkamadda ciidamada, waxaana ballanqaadaynaa in 24-saac gudahdood aan qofna lagu hayn xabsiga, kii dambi yeeshana la horgeeyo maxkamadda kii kalena lasii daayo,” ayuu yiri Keyse.

Sidoo kale, afhayeeenku wuxuu ka hadlay ciidamada aan xirnay dharka lagu hayaan ciidamada dowladda ee hubeysan in tallaabo sharci ah laga qaadi doono maalmaha soo socda, isagoo xusay in askarigii isagoo hubeysan oo dhar caadi ah wata sharciga lala tiigsan doono.

“Ciidamada ka tirsan dowladda ee isbaarooyinka dhiganaya iyo kuwa hubka wata ee xiran macawis iyo shaati caadi ah tallaabo ayaa laga qaadi doonaa, howgalka arrintan ku saabsanna dhawaan ayaa la billaabi doonaa,” ayuu yiri afhayeenka maxkamada ciidamada qalabka sida.

Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu sheegay in howgallada ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo ammaanka lagu sugayo, balse ay iyaga mas’uuliyad ka saran tahay inaan xabsiga lagu hayn qof muwaadin ah muddo ka badan 24-saac sida uu qabo sharciga dalka.

Dhawaanahan ayaa waxaa Muqdisho ka socday howgallo lagu soo qabqabtay dad u badan dhallinyaro kuwaasoo lala xiriirinayo Al-shabaab, waxaana tani ay fududeyn doontaa in dad badan oo aan dambiilayaal ahayn oo xiran laga sii-daayo xabsiyada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya