4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Maamulka GALMUDUG oo hay’adaha samafalka ee ka Howlgala Deegaanada uu ka taliyo ku amray inay is-diiwaan-geliyaan

Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Maamulka goboleedka Galmudug ee dalka Soomaaliya ayaa ku wargeliyay hay’adaha samafalka ee ka holwgala deegaannada uu maamulkaas ka taliyo inay is-diiwaangeliyaan, waxaana hadalkan ku dhawaaqay madaxweynaha Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Jen. Qaybdiid oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in hay’adaha samafalka ay is-diiwaan-geliyaan si loola socdo tiradooda iyo howlaha ay deegaannadaas kawadaan.

“Hay’adaha safamalka ee ka howgala Galmudug waa inay is-diiwaan-geliyaan si howlaha ay qabanayaan loo ogaado, hay’addii aan amarkaan fulinna tallaabo ayaa laga qaadi doonaa,” ayuu yiri Jen. Qaybdiid.

Ma sheegin tallaabada hay’adaha laga qaadayo, waxaana deegaannada ay ka taliso Galmudug ka howlgala hay’ado fara badan oo kuwa samafalka ah, kuwaasoo isugu jira kuwo dowli ah iyo kuwo aan dowli ahayn oo madax-bannaan.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo maamulkaas uu u jeediyo hay’adaha samafalka ee ka howlgala deegaannadooda, iyadoo aysan jirin wax war ah oo arrintan ku saabsan oo kasoo baxay hay’adaha samafalka.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowr toddobaad ka hor ku dhawaaqday in ajaanibta ku sugan dalka oo ay ka mid yihiin kuwa u shaqeeya hay’adaha samafalka iyo shirkadaha kale ee dalka ku sugan ay is-diiwaangeliyaan.

Madaxa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in la diiwaangeliyay kumannaan ruux oo ajnabi ah oo ka howgala gudaha dalka, kuwaasoo aan intooda badan ruqsado ka haysan dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya