4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo ku eedeysay Ciidamada Kenya ee AMISOM in ay ka Qayb-galeen Dagaalladii Kismaayo


Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Wasiir ku xigeenka wasaaradda wafaafinta xukuumadda Soomaaliya, C/shakuur Cali Mire oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ciidamada Kenya ee qaybta ka ah howgalka AMISOM ku eedeeyay inay ka qaybgaleen dagaalkii Kismaayo ka dhacay.

C/shakuur Mire ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay gacan siiyeen garab ka mid ah garabyadii dagaalamay, isagoo sheegay in ciidamadaas ay hub culus ku garaaceen magaalada kuwaasoo keenay inay dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaareen dad shacab ah.

“Xarigii abaanduulaha ciidamada xoogga ee Jubbooyinka iyo inay ciidamada Kenya la safteen garab ka mid ah garabyadii ku dagaalamay Kismaayo ayna madaafiic ku gaaracaan magaalada waa kuwo xiriir leh sida aan u aragno,” ayuu wasiir ku xigeenku shirkiisa jaraa’id ku yiri.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in la weeraray saldhiggii ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lahaayeen Kismaayo lana burburiyay, horayna loo xiray abaanduulahoodii, taasoo uu ku sheegay inay xad-gudub ku tahay waajibaadka ciidamada AMISOM ee ka howlgalaya Kismaayo.

Wasiir ku xigeenka oo sii hadlay ayaa wuxuu sheegay in dowladda Somalia ay doonayso in magaalada Kismaayo la geeyo ciidammo aan ahayn kuwa Kenya ee hadda ku sugan, kuwaasoo ka kooban dhowr dal oo howgalka qayb ka ah.

“Dowladda Somaaliya waxay u aragtaa in magaalada Kismaayo la geeyo ciidammo ka socda dalal kala duwan oo ka mid ah kuwa Midowga Afrika eek u sugan Somalia, halka ay hadda ka yihiin hal dal iyo wixii la mid ah,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay codsanayso in Midowga Afrika ay ergay siyaasadeed u magacowdo Jubbooyinka kaasoo aan u dhalan dalalka halkaas ku sugan, isagoo dhanka kalena sheegay inay dowladdu soo jeedinayso in loo diro Jubbooyinka wafdi xaqiiqo-raadin ah oo u kuurgala sida ay wax uga dhaceen magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn, Mire wuxuu sheegay in dowladda Somalia ay doonayso in si dhaqso ah lagu sii daayo abaanduulihii ciidamada xoogga dalka, dibna loogu celiyo saldhiggiisii, si uu howlihiisa halkaas uga sii wato.

Hadalka wasiir ku xigeenka ayaa kusoo beegmaya iyadoo afhayeenka AMSOM Col. Cali Aadan Xumad uu shalay sheegay inaysan jirin wax lug ah oo ay ku leeyihiin dagaalladii Kismaayo, mas’uuliyadda dagaalkaasna ay qaadanayso dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya