4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2013
Dagaal culus oo Saakay dib uga billowday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose iyo dadka oo barakacaya

Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo galay maalintii saddexaad ayaa saakay dib uga qarxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, dagaalkan oo daba socda dagaalladii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacayay degmadaas.

Rasaasta xooggeeda ayaa waxay ka dhacaysaa xaafadaha Guulwade iyo Shaqaalaha oo labada dhinac ay ku hardamayaan gacan ku hayntooda, iyadoo dadkii ku noolaa magaaladaas ay saakay billaabeen gabi ahaantood inay isaga baxaan halkaas.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa HOL u sheegay in dagaalku uu aad uga culus yahay kuwii labadii maalmood ee lasoo dhaafay dhacayay, iyadoo dhinac walba uu doonayo inuu dib u hanto gacan ku haynta magaaladan oo ay u arkaan mid muhiim u ah.

“Dagaalku waa mid culus, wuxuuna xooggiisu ka socdaa xaafadaha Guul-wade iyo shaqaalaha, madaafiic badan ayaa magaalada ku daadanaysa, dadkuna way barakacayaan,” ayay tiri haweeney ku sugan Kismaayo oo la hadashay HOL.

Sidoo kale, haweeneydan waxay sheegtay in magaalada qaarkeed weli lagu arkayo maydadka dadkii shacabka ahaa iyo askartii ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay magaaladaas, dhaawacyadu ay buux-dhaafiyeen isbitaalka guud ee magaaladaas.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaan wax faragelin ah ku hayn dagaalka u dhexeeya hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee isku haya maamulka Jubaland ee bishii May looga dhawaaqay magaaladaas.

“Dadku waxay sameynayaan barakac aad u xooggan, madaama uu dagaalku noqday mid daba-dheeraaday qof walba wuxuu qorsheystay inuu isaga baxo magaalada si uu uga nabadgalo rasaasta ay dhinacyadu isku adeegsnayaan,” ayay tiri haweeney kale oo Kismaayo ka baracaysay.

Xukuumadda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dhinacyada dagaalamaya inay xabbadda joojiyaan oo khilaafkooda ay ku dhameeyaan wadahadal iyo nabda, inkastoo dhinacyadan ay u muuqdaan kuwo aan dheg-jalaq u siinayn baaqyadan nabadeed ee soo baxaya.

Magaalada Kismaayo ayaa waxay gashay dagaallo ku saleysan sad-bursi dhinaca awoodda ah, iyadoo xubnaha dagaalku u dhexeeyo oo kala ah: Col. Barre Hiiraale, Sheekh Axmed Madoobe, Cabdi Balleey iyo Iftiin Xasan Baasto uu mid walba sheeganayo inuu yahya madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya