4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2013
Deeq Raashin ah oo ay ku deeqday dowladda Turkiga oo la gaarsiiyay qaar ka mid ah Deegaannada Gobolka Sool (SAWIRRO)


Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Gaadiid sida in ka badan 150 tan oo raashin ah qaybna ka gargaar dowladda Turkigu ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ayaa gaaray magaalada Widhwidh oo 100-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Deeqdan oo loogu talo-galay degaanno balaaran oo ka mid ah deegaannada hoosyimaada Buuhoodle ayaa mas’uuliyaddeeda waxaa lagu wareejiyay odayaasha degaankaas, iyadoo ay wadeen mas’uuliyiin Somaliland ka tirsan oo ka mid ahaa xildhibaan golaha guurtida ka tirsan oo lagu magcaabo, Cabdikariin Cumar Faarax.

Guddoomiyaha deegaanka Widhwidh, Mire Yuusuf Mire ayaa sheegay inay iyaga maamul ahaan mas’uuliyadda gargaarku sarnaa intii ay soo wadeen haddana ay ku wareejinayaan duqayda si ay u maamulaan.

Raashinkan oo la filayo inay odayaasha deegaanku u qaybiyaan waqtiyada soo socda ayaa waxay halkaasi uga mahad-celiyeen dowladda Turkiga iyo maamulka Somaliland iyo ciddii kale ee gacan ka geysatey, waxaanay balan-qaadeen inay gaarsiin doonaan dadka u baahan deeqdan.

Deeqdan ayaa inta badan ee deegaanadda la gaarsiiyay marka laga reebo deegaannadda maamulka Khaatumo ka arrimiyo oo ay ka mid tahay magaalada Buuhoodle.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool