4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2013
Dowladda Somalia oo ugu baaqday dalka Koonfur Afrika Badbaadinta Nafta iyo Hantida Soomaalida dalkeeda ku nool


Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda Koonfur Afrika inay ka shaqeyso badbaadinta nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool.

Danjiraha ayaa shirkiisa jaraa’id ee maanta ku sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay wafdi u diri doonto dalkaas, si wax looga qabto dhibaatooyinka loo geysto dadka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka lagu hayo.

“Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya , waxay aad uga xun tahay dhacdooyinka murugada leh ee lagu dilay, laguna dhaawacay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku nool, sidoo kalena lagu boobay hantidoodii intii ay rabshadihii k dhacay magaalooynka Pretoria, Diepsloot iyo deegaanka Booysens Park oo ka tirsan Port Elizabeth,” ayuu dajiruhu ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Sidoo kale, dajiruhu wuxuu sheegay in wasaaraddu ay dareen naxdin leh ka muujinayso dilkii dhagaxa loo adeegsaday ee lagu dilay 29–kii  bishii hore muwaadin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, goobtiisa ganacsigana lagu boobay , si la mid ah waxaa deegaanka Booysens Park ee magaalada Port Elizabeth oo dhacdadani argagaxa leh ka dhacday lagu boobay hanti ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

“Wasaaraddu waxay dib u xusuusineysaa shacabka iyo dowladda Koonfur Afrika taageeradii gumeysi diidka ahaa ee ay Soomaaliya u fidisay xilligii uu dalkaas ka jiray midab-takoorka, taa badalkeeda aanay maanta fileyn in dad Soomaaliyeed dadkeeda lagu gumaado loolana bareero dil, kufsi, boob iyo barakicin, arrintaasna waxaan u aragnaa nasiib-darro,  qalbigeenuna wuxuu tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska iyo dhibbanayaasha Soomaaliyeed ee sida xun loogu waxyeelleeyay dalka Koonfur Afrika,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay ku dhawaaqday: Inay garab-taagan tahay muwaadintiinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Koonfur Afrika. Inay ka codsanayso dowladda iyo shacabka Koonfur Afrika inay is garab- taagaan dadka Soomaalida ah ee wadankooda ku nool, ayna xil iska saaraan badbaadinta naftooda iyo hantidooda. Inay dowladda Koonfur Afrika gacan bir ah ku qabato dhammaan dambiilayaasha caadeystay falalka ka baxsan bani’aadamnimada ee fuleynimada leh, kana dhanka ah dadka Soomaalida ah, ayna horgeyso maxkamad si loogu xukumo ciqaabta dambiga ay galeen. Iyo in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas ay xushmeeyaan sharciyada kala duwan ee ka jira dalkaas.

Dhanka kale, ra’iisul waasaraha Soomaaliya ayaa isaguna warqad uu kaga dalbanayo dowladda Koonfur Afrika inay ilaaliso xuquuqda iyo hantida dadka Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool, isagoo tacsi u diray ehellada dadkoodii lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya