4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 3 , 2013
Xarakada Al-shabaab oo Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe kusoo ban-dhigtay Maxaabiis Kenyan ah

Isniin, Juun 03, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe laba qof oo Kenyan ah, kuwaasoo ay bishii hore ka soo qafaasheen gudaha dalka Kenya, kaddib markii ay weerar lama filaan ah ku qaadeen xilli habeen ah.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay halkii lagu soo bandhigay labadan qof, waxaana Al-shabaab ay sheegtay in dadkan ay yihiin maxaabiis ay Kenya kasoo qabsadeen.

“Dadweyne badan ayaa isugu yimid halka lagu soo bandhigay labadan qof oo Kenyan ahaa,” ayuu yiri mid ka mid ahaa dadkii halkaas joogay, wuxuuna ku daray hadalkiisa in saraakiil sarsare oo Al-shabaab ka tirsan ay goobtaas ku sugnaayeen.

Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa dhamaadkii bishii hore ee May weerar ku qaaday deegaan ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya halkaasoo ay ku dileen shan qof oo isugu jira ciidammo iyo shacab, waxayna soo qafaasheen labadan qof.

“Labadan qof ee lasoo bandhigay waxay ahaayeen kuwo madluunsan,” ayuu yiri goobjooge kale oo magaciisa kusoo koobay C/rxmaaan, isagoo intaas ku daray in goobtaas lagu soo bandhigay hub ay Al-shabaab sheegtay inay ku soo qabsadeen weerarkaas.

Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee taageera ayaa waxay weli ka taliyaan deegaanno badan oo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla.

Dalka Kenya ayaa tan iyo markii ay ciidamada u soo direen Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii 2011 waxay la kulmaysay weeraro argagaxiso oo kaga imaanaya xoogagga Al-shabaab oo dad badan ku dilay gudaha dalkaas.

Ciidamada Kenya oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay ka howgalaan deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo ay ka mid tahay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.

Dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin la haystayaasheeda ay Al-shabaab kusoo bandhigtay gudaha Soomaaliya, iyadoo saraakiiil Kenyan ah ay horay u sheegeen inay ka maqan yihiin laba qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya