4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
Mucaaradka Maamulka Puntland oo ku eedeeyay Ururka Horseed in Hantida Puntland uu u Isticmaalayo ololihiisa Doorashada


Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Mucaaradka xukuumadda xilligan ka arimisa Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ku eedeeyey ururka HORSEED in ololihiisa doorashada uu ku maal geliyey hantida qaranka.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Samatabixinta Puntland, Inj. Cabdirisaaq Xuseen Gacayte, ayaa shir-saxaafadeed oo maanta uu war-fidiyeenka ugu qabtay xafiiskiisa magaalada Boosaaso wuxuu kaga hadlay arimo dhowr ah.

Waxyaabaha uu soo hadal qaadayna waxaa kamid ahaa ololaha doorashada goleyaasha deegaanka Puntland oo maalintii 3-aad galay, isagoo ku tilmaamay in ololahaasi uu yahay mid aan waxba soo kordhin doonin balse lagu khasaarinayo hantida qaranka.

Sidoo kale, Inj. C/risaaq ayaa sheegay in dadka maanta magaalada Boosaaso ka dhigay dibax baxa lagu taageerayo HORSEED ay u badnaayeen dad barakacayaal ah oo laga soo uruuriyey xeryaha barakacayaasha ee bariga Boosaaso.

Ugu dambeyntii, wuxuu ka hadlay is-hortaag uu sheegay in ciidamada badda ee Puntland ay maanta ku sameeyeen dibadbax nabadeed oo ay doonayeen in ay ka dhigaan magaalada Boosaaso, isagoo sheegay in lagu amray in aysan wax muddaaharaad ah dhigi karin.

Golaha Samatabixinta Puntland oo ah mid mucaarad ku ah xukuumadda Madaxweyne Faroole, waxaa ku bahoobay waxgarad, ganacsato iyo siyaasiyiin u badan kuwo horay xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Puntland, waxaana hoggaamiya wasiirkii hore ee Aminga Puntland, Jen. C/laahi Siciid Samatar.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya