4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Waxaan Mar kale ku baaqayaa in si dhaqso ah lagu joojiyo dagaalka ka socda Kismaayo”


Sabti, Juun 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta mar kale ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha oo ka hadlayay dagaaladda kasoo cusboonaaday Kismaayo ayaa yiri: “Waxaan mar kale ku baaqayaa in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo oo dhiig dambe oo Soomaaliyeed aan la daadin. Soomaalidu way kasoo daaleen collaado iyo dagaallo, xalna uma noqon karaan xasilinta dalka, nabad ku wada-noolaanshaha iyo weliba horumarinta dhaqanka iyo dhaqaalaha dalka.”

“Dowladdu dhowr jeer bay ku celcelisay inaan loo baahneyn dagaal sokeeye iyo dhiig Soomaaliyeed oo macno darro ku daata. Dowladdu waxay waddaa qorshe dib-u-heshiisiineed oo xal waara loogu helayo arrimaha Kismaayo oo keenay collaado iyo dagaallo soo noq-noqday,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku sheegay inuu tacsi u dirayo dadkii ku geeriyootay dagaaladdan, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadiis, samir iyo iimaanna uu kasiiyo eheladooda iyo Somalida oo dhan. Inta dhaawaca ahna uu EEBBE caafimaad deg-deg ah siiyo.

“Dagaallada iyo collaadahu waxay keenaan kala fogaansho, waana sababta aan u dooneyno in si nabad ah oo dib-u-heshiisiineed xal waara loogu helo dhammaan arrimaha taagan. 22-sano oo collaado iyo dagaallo ay wadeen dad dagaal oogayaal ah oo dano gaar ah leh waan soo marnay intaas ayaana nagu filan mana rabno in wiil Soomaaliyeed uu si macno darro ah ku geeriyoodo. Dowladdu waxaa ka go’an in lasii wado dib-u-heshiisiinta.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdu ay ugu ciidanka AMISOM ee ku sugan Kismaayo ugu baaqayo inay dhex-dhexaad ka noqdaan kooxaha kala duwan ee dagaalamaya, isla markaana ay ku dadaalaan inay xabbada socota joojiyaan, si fursad loo siiyo qorshayaasha dib-u-heshiisiinta iyo wadahadallada ah ee socda. Si deg-deg ahna loogu gurmadaa dadka ku dhaawacmay dagaalka.

Dagaalka Kismaayo ka socda ayaa wuxuu u dhexeeyaa taageerayaasha afar hoggaamiye oo isku haysta maamulka Jubbaland oo bishii hore magaaladaas looga dhawaaqay, kaasoo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay dhismihiisa mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka u dagsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya