3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 28, 2013
Madaxweyne Xasan oo Barclays Bank ka codsaday inuu ka laabto go’aanka uu ku joojinayo Xiriirka Xawaaladaha Soomaalida


Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday bankiga Barclays ee dalka Britain inuu ka laabto go’aanka uu ku xirayo xisaabaadka ay xawaaladaha Soomaalidu soo mariyaan lacagaha kusoo wajahan Soomaaliya.

Bankigan ayaa dhawaan sheegay inuu xirayo xisaabaadyada ay ku leeyihiin xawaaladaha Soomaalida, isagoo sheegay in lacago badan oo la mariyo ay ku dhacaan gacmo aan muuqan, iyadoo lasii mariyo meelo aan sharci ahayn.

“Qaar ka mid ah dadka ku nool dalka dunida ugu faqrisan waxay noloshoodu ku tiirsan tahay lacagaha ay soo diraan Soomaalida qurbo-joogta ah. Haddii uu joojiyo bankiga Barclays in lasoo marsiiyo lacagaha xawaaladaha ah, ma qiyaasi karno sida ay noqon doonto xaaladda qoysaska Soomaaliyeed ee ku tiirsanaa lacagaha lasoo diro,” ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Madaxweyaha Soomaaliya wuxuu sheegay in Somalia ay xiligan ka baxayso fowdo soo jirtay muddo labaatan sano ka badan, taageero ayaan Britain ka helnaa, sidoo kale caalamka ayaan taageero ka helnaa, waxaana sidoo kale taageero uga baahannahay saxiibbadeenna kala duwan.

“Barclays waa ka mid ah saaxiibbada aan uga baahannahay taageerada. Mana fahmin wax aka dambeeya go’aankooda murugada leh ee ay ku xirayaan xisaabaadyada lasoo mariyo lacagaha loosoo diro Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha oo isla arrintan ka hadlaya ayaa wuxuu mar kale yiri: “Waxaan ka codsanayaa Barclays Bank inay ka laabtaan go’aankooda ama ay dib u dhigaan oo wadatashiyo dheeraad ah ka sameeyaan. Taasina waa xalka ugu wanaagsan inta aysan qaadan go’aankan.”

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in arrintan uu kala hadli doono xukuumadda Britain si xal loogu helo, isagoo sheegay inuu og yahay inuu ku shaqeeyo bankiga Barclays qawaaniin u gaar ah, balse uu dadaal u galayo sidii arrintaan xal waara loogu heli lahaa.

Bankiyada dalka Mareykanka ayaa horay u xiray xisaabaadyada ay xaawaaladaha Soomaalidu ku lahaayeen, taasoo keentay inay dalkaas ka dhacaan dibadbaxyo lagu codsanayo in dib loo furo, inkastoo xilli dhow la ogolaaday in xawaaladaha  qaarkood ay lacago ka diri karaan dalkaas.

Soomaali fara badan oo ku nool Britain ayaa biilal u soo dira qoysaskooda ku nool gudaha Soomaaliya, iyadoo arrintan ay walaac badan gelisay dadka ku nool Britain iyo qoysaska dhaqaalaha loosoo diro ee ku nool Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/28/2013 9:41 AM EST
Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeya ciidammo kala taageersan, Col. Barre Hiiraale, Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baalleey oo isku dhinac ah iyo kuwa Sheekh Axmed Madoobe ayaa ka qarxay magaalada Kismaayo.

6/28/2013 9:05 AM EST
Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Ciidamada Kenya eek a tirsan AMISOM ayaa maanta xabsiga dhigay abaanduulihii ciidamada xoogga dalka ee gobollada Jubbooyinka, Col. Cabbaas Ibraahim Gurey, iyadoo la sheegay in xariggiisa uu xiriirinayo dagaalkii dorraad ka dhacay magaaladaas.

6/28/2013 4:51 AM EST
Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu diiday in xildhibaanno iyo waxgarad shalay gaaray degmadaas uu Muqdisho u soo raaco.

6/28/2013 4:41 AM EST
Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Tartan ciyaareed lagu maamuusayo m 26-ka Juun oo ahayd markii ay xoroobeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya iyo 01-da Luuliyo oo ahayd markii gobollada Koonfureed ay xoroobeen ayaa ka billowday garoonka Xabado ee magaalada Buuhoodle.

6/28/2013 3:53 AM EST
Jimco, June 28, 2013(HOL) :- Waxaa xalay xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo lagu qabtay laba nin oo la sheegay in ay walxaha qarxa ku aasayeen mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee mara xaafaddaasi sida ay HOL u xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee aagaasi.