4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 28, 2013
Dagaal u dhexeeya Xubno isku haysta Maamulka Jubbaland oo ka billowday Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Dagaal culus oo u dhexeeya ciidammo kala taageersan, Col. Barre Hiiraale, Iftiin Xasan Baasto iyo Cabdi Baalleey oo isku dhinac ah iyo kuwa Sheekh Axmed Madoobe ayaa ka qarxay magaalada Kismaayo.

Dagaalkan oo ah mid xooggan ayaa la sheegay inuu ka socdo magaalada oo dhan, waxaana weerarka qaaday ciidamada taageersan Sheekh Axmed Madoobe oo dhawaan ay magaalada ku dagaalameen xoogag taabacsan Col. Barre Hiiraan.

“Magaalada waxaa ka qarxay dagaal culus oo daba socda dagaallo dhawaan ka dhacayay magaalada, wuxuuna u dhexeeyaa dhinacyada isku haya hoggaaminta maamulka Jubbaland,” ayuu HOL u sheegy goobjooge ku sugan magaalada Kismaayo.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa maalmihii ugu dambeeyay ahayd mid aad u kacsan, kaddib markii uu dagaal ka dhacay Arbacadii, iyadoo dadku ay ku sugan yihiin guryahooda magaalada oo dhanna ay xiran tahay.

Ma jiro mas’uul ka tirsan dhinacyada dagaalamaya oo ka hadlay dagaalkan cusub ee magaalada ka qrxay, iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka oo xaafadaha magaaladaas oo dhan ka socda.

“Rasaastu meel walba ayay ka dhacaysaa, cid dibadda u bixi karta ma jirto, madaafiic ayaana xaafadaha qaarkood ku dhacaysa,” ayuu yiri goobjoogaha la hadlya HOL oo ku sugan magaalada Kismaayo, iyadoo xilligii aan xiriirka la sameynaynay taleefoonka laga maqlayay rasaasta dagaalka.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa wuxuu mid walba horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland, kaasoo ay dowladda Somalia ku sheegtay inuu yahay mid lagu dhisay si aan waafaqsanayn sharciga dalka u yaalla.

Wixii warar ah ee dagaalkan kasoo kordha waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya