4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 28, 2013
Sheekh Xasan Daahir oo Diiday in Muqdisho loo Wareejiyo iyo Wadahadallo weli ka socda Magaalada Cadaado

Jimco, Juun 28, 2013 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu diiday in xildhibaanno iyo waxgarad shalay gaaray degmadaas uu Muqdisho u soo raaco.

Xildhibaanadan iyo odayaashan oo shalay gaaray Cadaado ayaa la kulmay Sheekh Xasan Daahir, waxaana ay ka dalbadeen inuu u raaco Muqdisho, iyadoo la sheegay inuu diiday haddii aanu u tagay Muqdisho si maamuus ku jiro.

Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay inuusan doonayn in isagoo sidii maxbuus ah uu tago Muqdisho, balse uu tagi doono haddii si weyn loogu soo dhaweynayo iyadoo la maamuusayo.

Tan iyo xalay waxaa ka socday degmada Cadaado wadahadallo Sheekh Xasan Daahir looga dhaadhicinayo inuu wafdigan isugu jira dowladda iyo odayaasha dhaqanka uu u raaco Muqdisho.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir uu hadda qayb ka yahay wadahadalllada lagu doonayo inuu ugu wareego Muqdisho, iyadoo uu afhayeenka maamulkaas shegay in joogitaanka Sheekh Xasan Daahir uu culeys ku yahay deegaankooda iyo deegaannada ku dhow-dhow.

Wafdigan xildhibaanada iyo odayaasha ah ee gaaray Cadaado ayaa waxaa hoggaaminaya Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xubnaha ka mid ah Yuusuf Indhacadde.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta Galmudug iyo kuwa Ahlusunna ayaa ugu baaqay maamulka Ximan iyo Xeeb inay Sheekh Xasan Daahir u gacan-geliyaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya