4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 28, 2013
Rag Miino aasaya oo la qabtay iyo Xaaladihii ugu danbeeyay ee magaalada Kismaayo



Jimco, June 28, 2013(HOL) :- Waxaa xalay xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo lagu qabtay laba nin oo la sheegay in ay walxaha qarxa ku aasayeen mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee mara xaafaddaasi sida ay HOL u xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidamada dowladda ee aagaasi.

Raggan ayaa la sheegay in xilligii la qabanayay ay Miino ku aasayeen meel aan sidaa uga fogeyn halkii ay shalay qaraxyada ka dhaceen, waxaana imika gacanta ku haya ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo aagaasi ku sugan.

“Laba nin ayay ahaayeen waxayna doonayeen in ay miino ku aasaan meel aan sidaa uga fogeyn wadadii ay shalay qaraxyada ka dhaceen, iyaga iyo qalabkii ay aasayeenba gacanta ayaa lagu dhigay waxaana wadnaa baaritaanno la xiriira arintaasi,” ayuu yiri COL Ismaaciil Koofi oo u waramay HOL.

Dhanka kale xaaladda magaalada Kismaayo ayaa saaka ah mid dagan walow ay jirto cabsi laga qabo in ay dagaallo dhacaan maadaama aan ilaa imika xal laga gaarin colaadihii u dhexeeyay dhinacyadii dhawaan ku dagaalamay magaalada ee kala taabacsanaa maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Col Barre Aadan Shire (Hiiraale), waxaana xalay oo dhan la maqlayay rasaas ay isweeydaarsanayeen labada ciidan ee kala taabacsan dhinacyadaasi.

Labadan ciidan ee ay xiisadaha u dhexeeyaan ayaa ku kala sugan gurigii hore ee gobolka ee loo yaqaan K2 oo imika ay dagantahay idaacadda Radio Kismaayo iyo Warshaddii hore ee Hilibka, waxaana labadan dhinac xalay ilaa shalay ay rasaas isku weydaarsanayeen wadada dheer ee laamiga ah, arintaasoo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku wada sugan ciidamo kala taabacsan siyaasiyiin iska soo horjeeda oo mid walba oo kamid ah uu ku andacoonayo in uu yahay madaxweeynaha runta ah ee Jubbaland, waxaana ammaanka magaalada uu noqday mid faraha ka baxay, iyadoona dadka reer Kismaayo ay rajo xumo ka muujinayaan xaaladda ammaan ee kasii dareeyso ee magaalada Kismaayo.

Dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada ayaa ilaa hadda inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay ku dhawaad ilaa iyo 14 qof, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen tiro intaasi ka badan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.