4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2013
Xaflad lagu Maamuusayay Maalinta Xoriyada ee 26-ka Juun oo lagu Qabtay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Xaflad lagu maamuusaayay 26-ka Juun oo ahayd markii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa xalay lagu qabtay magalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

Xafladdan oo ay soo agaasimeen ardayda wax-ka-barata dalka Turkiga ayaa waxaa fududeysay safaarada Soomaaliya ee dalka Turkiga, waxaana intii ay xafladdu socotay lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ay u leedahay Soomaaliya.

Dhammaan Soomaalida ku nool iyo kuwa wax ka barta dalka Turkiga ayaa ka qaybgalay xafladdaas, iyadoo goobta laga qaaday heeso ka tarjumaya qiimaha ay leedahay xoriyadda iyo gumeysi nacaybka.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo xoghayaha koowaad ee safaaradda, C/qaadir Maxamed Nuur, sidoo kale waxaa kasoo qaybgalay waxgarad Soomaaliyeed oo dalka Turkiga ku nool iyo qaar ka mid ah shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda Turkiga.

Xubno ka tirsan dadkii kasoo qaybgalay xafladda ayaa shahaadooyin kala duwan la guddoonsiiyay, waxaana markii la gaaray saqda dhexe la saaray calanka Soomaaliya, iyadoo ay daawanayeen dad u dhashay dalka Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa waxaa ku nool Soomaali fara badan, iyadoo sidoo kale ay wax ka bartaan arday fara badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo deeqo kala duwan oo dhinaca waxbarashada ah ka helay dowladda Turkiga.











Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya