4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2013
Dhakhaatiirta Isbitaalka Global ee Wadanka Hindiya oo Kulan Aqoon-kororsi ah ku Qabtay Jaamacadda Banaadir (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Xarunta Jaamacada Banaadir ee Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay shalay oo Arbaco ahayd kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo dhakhaatiir ka socotay isbitaalka Global ee dalka Hindiya ay u qabteen qaar ka mid ah ardayda jaamacaddaas.

Kulankan oo ay ka qayb-galay mas’uuliyiinta jaamacadda Banaadir, ardayda jaamacada gaar ahaan kuwa dhigta kuliyadda caafimadka iyo xubno kale oo kulankaan aqoon-kororsiga ah lagu casuumay.

Waxaa casharo kala duwan ka bixiyay aqoon-kororsigan dhakhaatiirtii ka socday isbitaalka Global ee dalka Hindiya oo dhawaan dalka soo gaaray, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, Dr. Ravi Kumar, Dr. Vishal US, Dr. Sezhian N. iyo Dr. Sridhar G.

Dhakhaatiirtan ayaa kulankaas kusoo bandhigay casharo kala duwan oo ku saabsan sida qaliinnada casriga ah loo sameeyo iyo sidoo kale qaabka loo daweeyo cudurada qaar, iyagoo adeegsanayay qalab maqal iyo muuqaal leh si ardayda u fahamsiiyaan.

Qaar ka mid ah dhakhaatiirtan oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho iyo casuumadda ay ka heleen jaamacada Banaadir, iyagoo ballan-qaaday inay sii wadi doonaan kulammada noocan oo kale ah iyo iskaashiga ay leeyihiin Jaamacada.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo sheegay inay ku faraxsan yihiin dhakhaatiirta uga timid dalka Hindiya isagoo sheegay in isbitaalka ay ka socdaan uu ka mid yahay isbitaalada ugu waaweyn ee dalka Hindiya.

“Waa ku faraxsannahay dhakhaatiirta nooga timid isbitaalka Global oo ka mid ah isbitaallada ugu waaweyn dalka India oo ka kooban sagaal Isbitaal oo 2000 kun oo sariirood leh, boqolaal dhakhtarna ay ka shaqeeyaan, sida aad muuqaalka ka arkeyseenna sameynayay qaliimmo aad iyo aad adduunka casri uga ah,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Sidoo kale, Dr. Dalmar wuxuu sheegay inay farxad u tahay in kulankaas ay kala soo qeyb-galaan aqoonyahanno ka socday hay’adda IOM iyo DAN-GUUD oo sida uu xusay mashaariic badan la qabtay jaaamacadda Banaadir ayna ka wadahadlayaan hadda sidii ay kuwo kale u hirgelin lahaayeen.

“Dhakhaatiirka Hindida ah waxay qaateen go’aan geesinimo leh oo Muqdisho ay ku yimaadeen, waxaana noo qorsheysan inaan kala hadalno sidii iskaashi u yeelan lahaayeen jaamacadda Banaadir iyo isbitaalka Global,” ayuu Dr. Dalmar ku sheegay hadalkiisa.

Dr. Dalmar wuxuu dhanka kale u mahadceliyay ardayda ururka BUNSA oo ah mid ay ku midoobeen ardayda jaamacadda Banaadir isagoo sheegay inay ka dambeeyeen qabanqaabada munaasabaddan, isagoo si gaar ah ugu mahad-celiyay madaxa xafiiska Global Hosbital ee Muqdisho Xasan oo ahaa ruuxii suuro-geliayay  isku xirka maamulka jaamacadda iyo kan isbitaalka Global.

Ugu dambeyn guddoomiyaha jaamacada Banaadir wuxuu xusay in kulamada aqoon-kororsiga ah ay jaamacaddu kordhin doonto, toddobaadka dambena ay xarunta jaamacadda iman doonaan lix dhakhtar oo ka socota jaamacado ku yaalla dalka Turkiga kuwaasoo casharro bixin doona, isagoo ardayda ugu baaqay inay ka faa’iideystaan.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya