3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2013
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, Wax-garad iyo xubno kale oo Maanta gaaray Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud

Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowladda Soomaaliya, odayaal iyo xubno kale oo uu hoggaaminayay Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) oo wasiir u dowle kasoo noqday dowladdii KMG-ka ahayd ee Soomaaliya, kuwaas oo qorshahoodu yahay inay Sheekh Xasan Daahir Aweys Muqdisho u soo kexeeyaan.

Mas’uuliyiinta gaaray Cadaado iyo mas’uuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa la sheegay inay kulammo uga socdaan magaaladaas, iyadoo halka ay ku sugan Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo taageerayaashiina ay ilaalo xoogan ka hayaan ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Ximan iyo Xeeb.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saaakiisha Al-shabaaba iyo 10-xubnood oo isaga taageersan ayaa kasoo goostay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose toddobaadkan xilli habeen ah, iyagoo habeen hore isku dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb.

Ilo wareedyo ku sugan degmada Cadaado ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ka tagay Muqdisho ee isugu jira odayaasha iyo xubnaha dowladda iyo kuwa maamulka Ximan iyo Xeeb uu kulankoodu yahay mid albaabbadu u xiran yihiin ayna qorsheynayaan inay Xasan Daahir iyo xubnaha la socda u soo kexeeyaan Muqdisho.

Inkastoo afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inay cid walba oo doonaysa inay dib u heshiisiinta ka qaybqaadato ay soo dhaweynayaan, haddana wuu ka gaabsaday inuu ka hadlo mowqifka dhabta ah ee dowladda kaga aaddan Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in xubnahan ay doonayaan inay ku qanciyaan Sheekh Xasan Daahir inuu yimaado Muqdisho si uu kulammo ula qaato madaxda dowladda Soomaaliya sida madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam ayaa horay u sheegay inuusan doonayn inuu wadahadallo la galo dowladda Soomaaliya oo uu sheegay inay taageero ka hesho ciidammo ka tirsan kuwa dalalka dariska ah iyo kuwa AMSIOM oo ka socda Midowga Afrika, balse lama oga in mowqifkiisaas uu bedelay iyo in kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/27/2013 2:10 PM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Xaflad lagu maamuusaayay 26-ka Juun oo ahayd markii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ay xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa xalay lagu qabtay magalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

6/27/2013 1:25 PM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna mas’uulka ugu sarreeya ee Qaramada Midoobay ee arrimaha siyaasadda, Jeffrey Feltman ayaa maanta booqasho ku yimid Muqdisho si uu u muujiyo in Qaramada Midoobay ay sii wadayso howlaha ay Soomaaliya ka hayso, kaddib markii dhawaan la weeraray xarunta UNDP ee Muqdisho.

6/27/2013 1:19 PM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Puntland oo magaalada Garoowe uu uga socodo kal-fadhigoodii 30-aad ayaa maanta su'aalo weydiiyey Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Siciid Maxamed Raage iyo Wasiirka Maaliyadda Faarax Cali Shire.

6/27/2013 10:05 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay laguna maamuusayay sanad-guuradii 36 ee ka soo wareegtay markii ay shacabka reer Jabuuti ka xorroobeen gumeytihii Faransiiska 27 Juun sanadkii 1977 ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baladweyne.

6/27/2013 9:34 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Afhyeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, Maxamed Cumar Hagafeey ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu culeys ku yahay deegaankooda iyo deegaannada ku dhow-dhow iyagoo taas ka duulayana ay dowladda Soomaaliya ka dalbadeen inay arrinta Sheekh Xasan Daahir kala hadasho.

6/27/2013 9:11 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Munaasibadda loogu dabaaldegayo sanad guuradda 53aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xoriyadda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa

6/27/2013 8:11 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Xarunta Jaamacada Banaadir ee Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay shalay oo Arbaco ahayd kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo dhakhaatiir ka socotay isbitaalka Global ee dalka Hindiya ay u qabteen qaar ka mid ah ardayda jaamacaddaas.

6/27/2013 7:38 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dalka Norway oo uu hoggaaminaay wasiirka horumarinta iyo xiriirka Caalamiga ah ee Norway, Heikki Holmes.

6/27/2013 3:06 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Gaari ay wateen ciidamada Sierra Leone ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa qaraxyo miino lagula eegtay maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay jirto xiisad u dhexeysa dhinacyadii shalay ku dagaalamay magaaladaas.

6/27/2013 3:05 AM EST
Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay joogitaanka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa xubnihii sar-sare ee Al-shabaab oo dhawaan kasoo goostay ee degmada Cadaado oo ah xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.