4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2013
Ciidamada AMISOM oo Qaraxyo lagula beegsaday Magaalada Kismaayo iyo Xiisad Colaadeed oo ka taagan Magaalada


Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Gaari ay wateen ciidamada Sierra Leone ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa qaraxyo miino lagula eegtay maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay jirto xiisad u dhexeysa dhinacyadii shalay ku dagaalamay magaaladaas.

Qaraxyadan oo ahaa laba qarax oo loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa mid ka mid ah gaadiidkii ay wateen ciidamada Sierra Leone burbur xooggan u geystay, iyadoo la sheegayo inay dhismasho iyo dhaawac soo gaartay ciidamadii la socday gaarigaas, halka ay wararka qaarkood sheegayaan inay ku dhinteen shan askari.

Ciidamadan ayaa lagu weeraray xaafadda Faanoole gaar ahaan agagaarka majidka Xaaji Jaamac, iyadoo qarxa kaddib ay dhacday rasaas aad u fara badan oo ay ciidamadu fureenkaddib markii ay qaraxyadu dhaceen, taasoo baqdin gelisay dadka xaafaddaas ku nool.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmay iyadoo ciidamada Kenya iyo kuwa Sierra Leone ay wadeen dadaallo ay ku doonayaan inay ku dhex-galaan dhinacyadii shalay ku dagaalamay gudaha magaaladaas oo weli ay xiisadi u dhexeyso.

Dhanka kale, wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay mararka qaarkood dhacayso rasaas ay ridayaan dhinacyadii shalay ku dagaalamay gudaha magaaladaas oo weli kuwada sugan xaafado ka tirsan magaalada  Kismaayo.

“Rasaas ayaa waddooyinka waaweyn lasoo raacinayaa, dadkuna way kala cararayaan, xiisadii dhalisay dagaalkii shalay ayaana magaalada ka taagan,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Kismaayo oo la hadlay HOL.

Goobjoogaha ayaa sheegay in ciidamado fara badan ay magaalada ku sugan yihiin, ayna socdaan dadaallo lagu doonayo in dagaalka lagu joojiyo, balse cabsida dadku ay qabaan waa mid aad u sarreysa.

Dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo oo u dhexeeya xoogag kala taageersan Sheekh Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay ku dhinteen tiro ka badan lix qof oo isugu jira shacab iyo xogoagii dagaalamay, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa saakay kacsan, iyadoo baqdinta ugu weyn ee la qabana ay tahay inay mar kale isku-dhacyo dhexmaraan kooxihii shalay ku dagaalamay xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya