4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 27, 2013
Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Joogitaanka uu Sheekh Xasan Daahir joogo Degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud


Khamiis, Juun 27, 2013 (HOL) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay joogitaanka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa xubnihii sar-sare ee Al-shabaab oo dhawaan kasoo goostay ee degmada Cadaado oo ah xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inuusan diyaar u ahay inuu hadda ka hadlo qorshaha dowladda ee ku aaddan Sheekh Xasan, balse uu sheegayo in dowladda Soomaaliya ay soo dhaweynayso cid walba oo Soomaali ah oo ka soo baxda Al-shabaab oo aan ahayn ajaanibta iyo dadka dambiyada waaweyn galay.

“Xasan Daahir Aweys wuxuu hadda la joogaa maamulka Ximan iyo Xeeb oo uu isku soo dhiibay, arrimaha ku saabsan isaga iyo dowladda Soomaaliyana runtii si guud uma siin karno saxaafadda, balse siyaasaddeena guud mar walba waxay ahayd inay soo dhaweynayso ayna la hadlayso cid walba oo dib u heshiisiinta ka qayb-qaadanaysa oo aan doonayn inay dagaal wax ku raadiso,” ayuu yiri Inj. Yariisow.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka war-haysay dhaqdhaqaaqyadii ugu dambeeyay ee Sheekh Xasan Daahir Aweys tan iyo markii uu dhacay dagaalkii degmada Baraawe, sidoo kalena ay la socdeen isku dhiibidda uu isku dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb.

“Dowladdu aad bay ula socotay dhaqdhaqaaqa Sheekh Xasan Daahir tan iyo markii ay dagaalladu ka dhacay dheceen degmada Baraawe, isku-dhiibiddii uu isku-dhiibay maamulka Ximan iyo xeebna waan la soconnay, waxaana u aragnaa inay habboon tahay in la qaato nabadda iyo dib u heshiisiinta,” ayuu mar kale yiri Inj. Yariisow.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya inay socdaan dadaallo ay dowladdu ku doonayso in loogu soo gacan-geliyo Sheekh Xasan Daahir Aweys, kaasoo u socda maamulka Ximan iyo Xeeb iyo dowladda Soomaaliya, balse arrintan kama uusan hadlin afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale, odayaal ay isku hayb yihiin Sheekh Xasan Daahir ayaa shalay gellinkii dambe waxaa la sheegay inay madaxweynaha Soomaaliya u direen codsi ah in dowladdu ay cafis u fidiso Sheekh Xasan Daahir maadaama uu ka baxay fikirkii Al-shabaab uuna dib ugu soo laabtay beeshiisa. Inkastoo aan la ogeyn jawaabta uu arrintaas ka bixiyay bixiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo toban xubnood oo taageerayaashiisa ah ayaa kasoo goostay Al-shabaab horraantii toddobaadkan, iyagoo xilli habeen ah kaga soo baxday xeebta degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose dooni yar, iyagoo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya