4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2013
Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Maamulka Ximan & Xeeb oo lagu caleemo saaray Degmada Cadaado


Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb iyo ku xigeenkiisa oo dhawaan loo doortay xilalkaas ayaa lagu caleemo saaray maanta oo Jimco ah magaalada Cadaado ee gobolka Gal-guduud oo xarun u ah maamulkaas, iyadoo kulanka ay ka qaybgaleen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Doorsho ka dhacday 13-kii bishan ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay, Cabdullaahi Cali Maxamed Kadiye halka ku xigeenna loogu doortay, Cabdi Maxamed Axmed, iyadoo caleemo saarkooda ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan maamulka Ahlusunna Waljamaaca oo horay uu dagaal u dhexmaray iyaga iyo maamulka Ximan iyo Xeeb.

Madaxweynaha cusub iyo ku xigeenkiisa ayaa loo dhaariyay xilka, iyagoo ka sheegay goobta inay ku shaqeyn doonaan si waafaqsan sharciga ayna si aad ah uga shaqeyn doonaan horumarka deegaannada ay ka taliyaan iyo sidoo kale kan shacabka.

“Waxaan ku shaqeyn doonnaa si waafaqsan sharciga oo ay cadaaladi ku jirto, waxaana naga go’an horumarinta deegaannada uu maamulku ka taliyo,” ayuu yiri madaxweynaha Ximan iyo Xeeb, C/llaahi Kadiye oo intaa ku daray in maamullada kale ee dariska la ah ay si nabadgalyo ah kula dhaqmi doonaan.

Madaxweynihii hore ee Ximan iyo Xeeb, Maxamed C/llaahi Tiiceey oo aan ka qaybgelin doorashada ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay xilka madaxweynaha la doortay, iyadoo ku xigeenkiisiina uu isna xilka wareejiyay, waxaana lagu dhaariyay labada mas’uul ee la doortay goobta ay xafladdu ka dhacaysay.

Xildhibaannadii kulanka ka hadlay ayaa maamulka Ximan iyo Xeeb ku ammaanay howlaha dhinaca amniga ah ee ay qabteen deegaannada ay ka taliyaan, waxayna mahad-gaar ah u celiyeen maamulkii hore, iyagoo kuwa cusubna ugu baaqay inay howsha halkeeda kasii wadaan.

Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye oo hoggaaminayay mas’uuliyiintii ka socday Ahlusunna oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay xubnaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb ay iska kaashan doonaan sidi lagu sugi lahaa ammaanka guud ee deegaannada ay ka taliyaan.

“Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanayaa inay dhameyso khilaafaadyo iyo dagaallo horay u dhexmaray Ahlusunna iyo Ximan iyo Xeeb, taasna ay tahay mas’uuliyad saaran dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekh Ibraahim Guureeye.

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo dhisan muddo shan sano ah ayaa ka taliya deegaanno ka tirsan gobollada Galguduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya, waxaana daris la ah maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca oo dhowr jeer oo hore ay dagaallo dhexmareen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya