4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 21, 2013
Guddoomiyaha baarlamanka iyo Ra’iisul wasaaraha oo tacsi u diray Qoyskii uu ka geeriyooday Prof. Maxamed F. Jimcaale

Jimco, Juun 21, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamanaka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari) iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa tacsi u diray ehelladii uu ka geeriyooday Prof. Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Jimcaale ayaa ku geeriyooday maqribnimadii xalay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, halkaasoo loo geeyay xanuun dhinaca wadnaha kaga soo booday, iyadoo maanta lagu aasayo Muqdisho.

“Waxaan tacsi u diraynaa ehelladii iyo uu ka geeriyooday xildhibaan Prof. Maxamed Farax Jimcaale oo xalay ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee Muqdisho. Geeridiisu waxay ahayd mid naxdin leh,” ayay guddoomiyaha iyo ra’iisul wasaaruhu ku sheegeen warsaxaafadeedyo ay soo saareen.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanku uu ahaa mid aad ugu firfircoon howlaha baarlamaanka, isagoo Alle uga baryay inuu naxariis siiyo, ehelladii uu ka geeriyoodayna iyo baarlamaankana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Mudane Jimcaale oo saameyn ku lahaa siyaasadda Soomaaliya ayaa wuxuu la taliye gaar ah u ahaa hoggaamiyihii geeriyooday ee Jen. Caydiid, isagoo intii ay dalka ka socdeen dagaallada sokeeyana aan ka bixin.

Xildhibaanku wuxuu ka mid noqonayaa tiro mudanayaal ah oo ka tisran golaha barlamaanka Soomaaliya oo intooda badan ay xanuun caafimaad ugu geeriyoodeen gudaha iyo dalka iyo dibaddiisa, halka mid ka mid ah xubnaha baarlamaanka lagu toogtay gudaha Muqdisho sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya