4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2013
Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo Maqribnimadii Caawa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Muqdisho

Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, kaddib uu muddo ku xanuunsanayay halkaas.

Geerida xildhibaanka ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyay xildhibaan C/llaahi Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku sugnaa markii uu geeriyoonayay isbitaalka Madiina.

Prof. Faarax Jimcaale ayaa wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii markii dalka uu galay burburka ka qaybqaatay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, isagoo la taliye gaar ah u ahaa Jen. Maxamed Faarx Caydiid oo hoggaamiye ka ahaa ururkii SNA.

Xildhibaanka ayaa wuxuu ka mid noqday xildhibaanadii lasoo xulay sannadkii hore, markaasoo uu dalka ka baxay xilligii KMG ahaa, waxaana ay ahayd markii ugu horreysay oo uu xildhibaan ka noqdo baarlamaanadii dalka soo maray burburka kaddib.

Madaxweynaha Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale oo ka hadlay geerida ku timid mudanaha ayaa sheegay inuu ahaa siyaasi door weyn kasoo qaatay isbedelladii dalka ka dhacay intii lagu jiray burburka.

Intii ay dalka ka socdeen dagaallada sokeeye wuxuu ka mid ahaa xubnihii aan dalka ka bixin, waxaana uu ahaan aqoonyahan ku takhasusay xisaabaadka, isagoo inta badan ku fikir ahaa hoggaamiyihii geeriyooday Jen. Caydiid.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin geeridiisa, iyadoo lagu wado in maanta berri ah oo ku beegan Jimco lagu aaso magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya