4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2013
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Somalia oo Maanta ku ansixiyey Shirkoodii Danjirayaal cusub oo la Magacaabay


Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo maanta yeeshay kulan uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaare Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ayaa lagu ansixiyay magcaabista shan safiir oo cusub.

Danjirayaasha la ansxiyay ayaa waxay kala yihiin: Jen. Muuse Xasan Cabdulle oo loo magacaabay daniraha Soomaaliya ee dalka Talyaaniga,  Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya, Cali Saciid Faqi oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Belgium iyo Midowga Yurub, Nuur Faarah Xirsi oo loo magacaabay danjiraha Soomaaliya ee dalka Malaysia iyo Saciid Nuur Yuusuf oo horay u ahaa danjirihii Soomaaliya ee Itoobiya oo loo wareejiyay dalka Tansaaniya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa magcaabista safiirrada ku tilmaamay inay ka mid tahay qorshaha xukuumaddiisa ee xoojinta xiriirka dublamaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay caalamka.

“Tallaabadan waxay ka mid tahay qorshaha xukuumadda ee lagu adkaynayo xiriirka dublamaasiyadeed ee aynu la leenahay caalamka iyo dar-dar-gelinta shaqada ergada dublamaasiyadeed ee Soomaaliya u jooga caalamka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu Saacid.

Intaas kaddib golaha wasiirrada ayaa ka dooday ammaanka dalka, waxyana warbixin laga dhegeystay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyadoo wasiirku sharraxaad ka bixiyay weerar ay shalay A-shabaab ku qaadday dhismihii hay’adda UNDP ee Muqdisho, iyadoo markaas kaddib goluhu si buuxda ayuu u dhaleeceeyay falkaas.

Sidoo kale, golaha wasiirradu waxay dood ka yeesheen sidii kor logu qaadi lahaa heerka nolosha ee ciidamada Qaranka, wuxuuna goluhu boogaadiyay kaalinta ciidamada qalabka sida ee ku aaddan suggidda ammaanka dalka iyo la-dagaalanka cadawga lidka ku ah Qaranka Soomaaliya.

Goluhu wuxuu garawsaday in loo baahan yahay in sare loo qaado heerka nololeed ee ciidamada iyo qoysaskooda, iyadoo arrintaasi loo xilsaaray inay Khamiista soo socota talo ka keenan wasaaradaha kala ah arrimaha gudaha, gaashaandhiga, maaliyadda iyo horumarinta addeega bulshada.

Ugu dameyntiina, golaha ayaa ansixiyey heshiishka “Coutonu” oo ay Somalia dhawaan saxiixday, waxaana qorshuhu yahay in xukuumaddu ay dhawaan heshiishkan u gudbiso baarlamanka federaalka Soomaaliya si uu u ansixiyo.

Heshiishka Coutonu ayaa fursad u siiya dalalka saboolka ah ee dunida oo ay ka mid tahay Soomaaliya inay helaan deeqo toos ah iyo in laga dhaafo gabi ahaan lacagaha casnhuuraha ah ee ku waajibay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya