4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Cambareyn u jeediyay Weerarka lagu qaaday xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho

Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) —Maamulka gobolka Hiiraan ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka maalintii shalay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen xarunta hay'adda UNDP ee magaalada Muqdisho kaasoo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadllay HOL ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid fulaynimo ah oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliya madaama sida uu sheegay khasaaraha ugu badan weerarkaas uu ka soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

''Waan cambaareyneynaa weerarkaas ay soo qaadeen kooxaha argagixisada, waana weerar muujinaya sida ay kooxahaas aysan wax dan ah  uga laheyn nolasha dadka shacabka, waxaan rabaa in aan tacsi u dirro dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday weerarka,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo.

Weerarka shalay lagu qaaday xarunta UN-ka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa mas'uuliyadiisa sheegtay xarrakada Al-shabaab oo siweyn uga soo horjeeda dowladda federalka iyo ciidamada ka taageera nabada ilaalinta.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa  sheegay in weerarada noocaas oo kale wax u dhimi doonin dadaalada nabada ee socda, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ku gacan siiyaan dowladda fedderaalka sugida amniga.

''Weerada noocaas oo kale ah ma'aha kuwo niyad jabin kara shacabka Soomaaliyeed iyo dadaalka dowladda ay ugu jirto dib u soo celinta nabada, bulshada waa in ay ku gacan siiyaan dowladda sugida amniga,'' ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Weerarkii shalay lagu qaaday xarunta hay'adda UNDP ayaa sidoo kale waxaa  cambaareeyay maamulada kale ee dalka iyo hay'addo caalami ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya