4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2013
Mareykanka oo ka Hadlay Weerarkii lagu Bar-tilmaameedsaday Xarunta ay Muqdisho ku leedahay Qaramada Midoobay

Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inuu si aad ah u cambaareynayo weerarradii ismiidaaminta iyo tooska ahaa ee shalay ay Al-shabaab la beegsatay xarunta hay’adaha Qaramada Midoobay ee Muqidsho, iyagoo ku tilmaamay weerar bahalnimo ah.

“Weerarka waxaa lagu bartilmaameedsaday shacab iyo hay’ado caawinayay Soomaalida lana shaqeynayya dowladda Soomaaliya, si ay wax uga qabtaan arrimaha caafimaadka, biyaha, faya-dhowrka, waxbarashada iyo sidii loo heli lahaa fursado dhaqaale – waxayna ahaayeen dad ka shaqeynayay sidii loo hagaajin lahaa mustaqbalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Sidoo kale, Mareykanku wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan jawaabtii ay weerarkaas ka bixiyeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, iyadoo sidoo kale ay tacsi u direen ehellada dadkii ku dhintay weerarkaas oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi.

“Weerarkan wuxuu caddeynayaa in Al-shabaab ay bedeshay habkii dagaal, si ay u sii waddo dhibaateynta ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed oo rajo ka qaba inay ka baxaan dhibaatooyin sannado badan soo jiray,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Al-shabaab inay horay u joojiyeen in gargaar la gaarsiiyo dadka ku dhibaatoonaya Soomaaliya, taasoo dhalisay macluul ay dad badan ku dhinteen, haddana waxay billaabeen inay dhibaato kale ka abuuraan gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu kala shaqeynayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii ammaan lagu heli lahaa, isagoo xusay in hay’adaha Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay sii wadaan howsha Soomaaliya ay ka wadaan, ayna ogaadaan inaan la horistaagi karin guulaha la gaarayo.

Weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday xarunta UNDP ee Muqdisho ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo noociisa ah oo ay Muqdisho ka geysato sannadkan, waxaana ku dhintay weerarkaas 20-qof oo ay ku jiraan ajaanib ka mid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya